Danjirayaasha Somaliland iyo Israel ee UAE oo kulan gaar ah yeeshay

Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta, Amb Mascuud Cali Xasan, ayaa kulan gaar ah la yeeshay danjiraha dawladda Israel u fadhiya Imaaraadka Carabta, Amb Yossi Shelley.

Kulankan oo ka dhacay Imaaraadka Carabta ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo shacabkooda.

Amb. Mascuud Cali Xasan oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in uu ahaa kulan wax-ku-ool ah oo dhisaya xidhiidhka labada dal, isaga oo xusay in labada dhinac ay is weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan xoojinta xidhiidhka iyo sidii kor loogu sii qaadi lahaa fursadaha iskaashi.