
Min Hargeysa ilaa Balligubadle
Safar dalxiis ah ayaannu ku tagnay Balligubadle, Caasimadda gobolka Hawd. Waxaa i weheliyey dhakhtar Qurbejoo ah iyo weriye. Xirfaddu macno Uma lahayn safarka maadaama uu ahaa dal iyo dad-barash.
Cid gaar ah lama aannu sii ballamin. Toos ayaannu quraacdii ka dib u ambabaxnay. Quraacda waannu isku qabannay in aannu magaalada ka sii quraacanno iyo in aannu tuulooyinka ka sii quraacanno. Balse waa la iga batay oo waxaannu ka sii quraacannay magaalada. Intii aannu quraacanaynay ayuu qof ka mid ah shaqaalihii makhaayaddu, na waydiiyey furihii gaadhigayaga, si uu jidka ugu banneeyo baabuur kale. Waannu siinnay, balse waxa uu nagu soo noqday isaga oo argagaxsan.
“Waar gaadhigii, hore iyo gadaalba waan ka duqeeyey. Waa runtii balse ma ahayn dhaawacyo uu safarku u baaqanayey. Gaadhigu kiro-ammaano ayuu ahaa. Kollay halkaas waxoogaa culays ah ayaa ninkii shaqaalaha ahaa u soo hoyday, annagana werwer xagga ammaanada ah.
Abbaaro siddeeddii subaxnimo ayaannu qabsannay jidka. Waddada isku xidha Hargeysa iyo Balli-gubadle waxaa ka socota shaqo waddo-dhis oo xawli ah. In badanna waaba la dhisay laamiga. Dhammaystirka waddadani wax weyn ayuu ka beddeli doonaa isu-socodka iyo horumarka, waana guul u soo iftiimaysa dadka deegaanka.
Waxaannu sii marnay Hargeysa ka dib, habaasweyn, ka dib Jibaaqo, ka dib magaalo Xaali, ka dib gumburaha, dabadeedna Balligubadle
Waxaannu ku hakannay Gumburaha oo ugu weyneyd intii ka sokeysay. Waxay ku taal cidhifka soke ee banka gumburaha. Magaca gumburo waa buuro yaryar ama haaro ku teedsan duleedka tuulada, sida naloo sheegay.
Tuuladan waxaa ka soo jeeda Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir Oo uu deggenaan jiray aabbihii iyo qoyskoodu.
Haddii aannu waydiinay dadka kale ee Caanka ah ee tuuladan ku abtirsada, waxaa naloo tiriyey culimo aad u badan oo aannu ilaa tobaneeyo diiwaangelinnay sida:
1- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar dirir
2- sheekh cumar Dirir iyo dhawr walaalladii ahaa
3- sheekh Cabdiweli oo magaalada ugu xisaabsan Awliyadii nebi Ammaanka iyo nasrada.
iyo Qaar kale oo badan. Jirtoo magaaladu ku faanaysay sooyaal culimo oo mudan tixraac, haddana si weyn ayaa looga qayilayey goor barqo ah. Qaadku waa musiibo ummadeed oo u baahan fiiro gaar ah. Midhkaas, hoosta ha laga xarriiqo. Midhadhka aan qayilin waxaa oogadooda ka muuqanaya ladnaan iyo caafimaad.
Hore ayaannu ugu sii soconnay. Waxaannu galnay Balli-gubadle. Magacu waxaa uu ka soo jeedaa, balli loogu magacdaray nin gubadle la odhan jiray. yacnii Balligii Gubadle. Waxaa naloo sheegay in reer Gubadle sii dhaqanyihiin. Magaalada waxaa dhex mara xadka Somaliland iyo dawlad-deegaanka Soomaalida. Laakiin waa magaalo keli ah.
Marka dhinaca Somaliland laga soo galo, waxaad dareemaysaa horumar. Waddooyin laami ah oo dhisan. Guryo dawladeed oo muuqanaya, sida ka gobolka, baanka, xeer ilaaliyaha, khayriyada, booliska, ciidanka iyo qaar kale oo badan. Dhismayaal shicib oo fara badan masaajiddo waaweyn. Jidka laga galo aad baa loo qurxiyey.
Judhiiba waxaannu fadhiisannay makhaayad hablo haystaan oo aannu ka shaahaynay. Waxaannu kula yara sheekaysannay nin oday ah oo leh weji wanaagsan oo bilaa balwad ah. Wuxuu noo sheegay in uu yahay 67 jir, ubadka uu dhalay ee u nooli yihiin 17 ay badankoodu hanaqaadeen. Wuxuu ahaa hayb ahaan jufada Maxaad-fanax. Wuxuu noo sheegay in magaaladan la wada dego oo aanay u gaar ahayn Arab balse Sacad Muuse iyo Garxajisba ay deggenyihiin, sida uu hadalka u dhigay.
Annaga oo halkii fadhina, waxaa noogu yimid agaasimaha isbitaalka magaalada dr Cabdixakiim Maxamed oo helay xogtayada. Waxaa uu na geeyey isbitaalka magaalada oo si waaangsan u qalabaysan. Wuxuu noo sheegay in 24ka saacadoodba uu dhakhtarku furanyahay, shaqaaluhuna isbeddelaan., shaybaadhku uu shaqaynayo, qaybta ummusha iyo waadhka la xiddhiidhsani shaqaynayaan, xitaa waadhadhka kale shaqaynayaan. Shaqaaluhu waxay soo shaqagelidda iyo bixitaanka ku diiwaangeliyaan mishiin derbiga ku dheggen.
Mid ka mid ah waadhadhka oo aannu galnay waxaa yaallay sariiro cusub. Waxaa naloo sheegay in ay qalabkaas iibisay gabadh keli ah oo qurbajoog ahi. Ilaahay khayr badan ha ugu beddelo wixii ay bixisay maal, maskax iyo dadaal kaleba. Dumarkeennu waa waxtar, meel kasta iyo goor kasta. Waxaan ku qiyaasay qarashka sariirahaa oo toban ku dhawaa, in ay dadka qaar ku gubaan xaflad ay habeen tageen.
Agaasimaha isbitaalka waxa aannu waydiinnay, baahida ugu degdeg badan ee aragtidiisa uu isbitaalku qabo. Wuxuu noo sheegay laba arrimood oo aan ahayn kuwa keli ah ee loo baahanyahay balse uu jeclaan lahaa in uu arko iyaga oo dhammaystirmay:
1- Baanka kaydka dhiigga. Kaas ma haysto isbitaalku, waanu u baahanyahay.
2- Deryka dhulka isbitaalka.
Isbitaalku wuxuu ku yaallaa badhtamaha magaalada. wuxuu haystaa dhul wanaagsan oo badankiisu aannu deyrnayn. Dhul ka badan Hal bolog oo uu isbitaalku leeyahay, ayaan deyrnayn. Haddii dhulkaaas loo deyro isbitaalka, magaalada iyo deegaanka waa uu ku filnaan karaa 50ka sano ee soo socda.
Waxaan ku darsanayaa:
Wakhtigan hadda la joogo, waxaa dadka lagu salliday dhulkii oo dan gaar ah loo qaato. Waa musiibo ka jirta dhammaan geyiga Soomaaliyeed. Waxaan ku baaqayaa in isbitaalkaas si degdeg ah loogu xidho dhulkiisa si meesha looga saaro werwer kasta, isla markaana loogu kaydiyo jiilasha dambe. ugu badnaan 30 kun oo dollar ayaa deyr wanaagsan ku wareejin kara inta bannaan.
Waxaa bixin kara qof ama10 qof ama 30 qof. Haddii bulshada loo bandhigana waa 300 oo qof oo min 100 doollar ku deeqa. ama 1000 qof oo min 30 doollar ku darsada. Haddii aad niyadda geliso in aad hawshaas ku darsato sadaqo jaari ah, waxaan isku kiin xidhi ciddii hawshaas u kacda.
Agaasimaha Isbitaalka waxaan guddoonsiiyey dhowr buug oo aan islahaa aad dhigtid maktabadda akhriska ee magaalada balse waxaa ii caddaatay in aanay magaaladu lahayn makhtabad dadweyne. Agaasimuhu si sharaf leh ayuu noo maamuusay, waaanu mahadsanyahay.
Maadama oo ay Balli-gubadle ahayd xaruntii ururkii dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee SNM iyo goobtii lagu doortay guddoomiyihii ugu dambeeyey ee Cabdiraxmaan-tuur, sidoo kalena laga soo abaabulay jabhadihii SPM ee Axmed Cumar-jees iyo USC ee janaraal Caydiid, waxaa nala soo tusay:
Saldhiggii snm, meeshii ay taallay idaacaddii Halgan ee snm
iyo meeshii uu ka dhacay shirki ballaadhnaa ee lagu doortay Guddoomiye Cabdiraxmaan Axmed Cali.
Goobtani waa beer lagu magacaabo beerta Ilma Carwo. Markii aan magaca Carwo maqlay waxaan toos ugu xidhiidhiyey Xirsi Cige Gorse (Xirsi-Carwo) oo aan sannadkii 2025 ku booqday Matxafka taariikhiga ee Sweden ee loo yaqaan Ethnographic Museum, raadkii laga reebay carwooyinkii uu hoggaamin jiray dhammaadkii 1800-lladii. Qisooyinka carwooyinkii ku wareegi jiray Yurub iyo Ameerika waa qiso dheer oo yaable.
Beertaas ilam Carwo iyo beerta galbeed ka xigta ee Ilma Faarax-jire dhexdooda waxaa laga dhisay taallo yar oo ku dhextaal guri yar deyrkii oo lagu xusayo SNM.
Booqashadii dalxiiska ahayd, ee Balligubadle, halkaas ayey noogu dhammaatay, ka dibna waxaannu u jihaysannay dhinaca Sallaxlay oo mudan qormo kale.
Mohamed Abdibashiir Xirsi Guuleed





