Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono in Marinka Hormuz uu yahay “dhul ay leedahay dowladda Mareykanka,” taas oo sii xoojinaysa mowqifkiisa ku aaddan marinkan biyaha ee muhiimka ah.

“Markaan dhammaystirno ka guuleysiga Iran… waxaan dhawaan ku dhawaaqi doonaa in Marinka Hormuz uu yahay dhul uu leeyahay Mareykanka,” ayuu yiri Mr. Trump oo khudbad ka jeedinayay magaalada Garden City.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay inaan weli la hubin dhabnimada hadalka Trump, ama haddii ay tilmaamayaan isbeddel cusub oo ku yimid siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan Marinka Hormuz.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale ku boorriyay muwaadiniintiisa inay aqbalaan koror yar oo ku yimaada qiimaha shidaalka, taas oo loo arko kharashka ku baxaya ka hortagga inay Iran hesho hubka nukliyeerka.

Wuxuu sheegay in dadka Mareykanka ah ee laga yaabo inay “wax yar in ka badan” ku iibsadaan shidaalka ay tahay inay xasuustaan ​​inay taasi tahay qiimaha lagu horjoogsanayo “waddan aad u shar badan” inuu helo hubka nukliyeerka.

Qiyaastii 20 boqolkiiba shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee caalamka ayaa sida caadiga ah mara Marinka Hormuz.