Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka falceliyay heshiiska difaaca wadajirka ah ee Maka ee ay kala saxiixdeen Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan.
Donald Trump ayaa hambalyo u diray hoggaamiyeyaasha saddexda dal, isagoo heshiiska ku tilmaamay “tallaabo geesinimo leh.”
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social ku yiri:
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan arko in Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan ay dhawaan saxiixeen Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka.”
Wuxuu sheegay in heshiisku muujinayo in Bariga Dhexe uu isu soo dhowaanayo, isla markaana dalalku ay hadda awood u yeelan doonaan inay si ka xoog badan sidii hore isu difaacaan. Wuxuuna hambalyo u diray hoggaamiyeyaasha saddexda dal, isagoo heshiiska ku tilmaamay “tallaabo weyn, geesinimo leh oo muhiim ah.”
Waxaa xusid mudan in Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka uu dhigayo, in haddii mid ka mid ah saddexda dal—Sacuudiga, Turkiga ama Pakistan—uu la kulmo weerar hubaysan, weerarkaas loo aqoonsan doono weerar lagu qaaday dhammaan saddexda dal.
Heshiiska ayaa lagu saxiixay magaalada Maka 7-dii Agoosto 2026, waxaana saxiixay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Raysal Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif.





