Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay dagaal culus oo saaka ka qarxay hareerraha iyo gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, sida ay BBC-da u sheegeen illo wareedyo ku sugan gobolka.
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa sheegtay, in dagaalamayaal ka tirsan al-Shabaab iyo mileeshiyo daacad u ah hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ay weerarreen, xeryo ciidan oo ku yaala magaalada Baydhabo, balse weerarradaasi lagu jabiyay.
Dhanka dowlad goboleedka KGS, waxay xaqiijiyeen in uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, halka dhanka ciidamadii soo weeraray magaalada ay sheegeen in wali aysan xog rasmi ah ka helin khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse filashadoodu ay tahay in dhaawac iyo dhimasho labaduba suuragal yihiin.
Saraakiil ka tirsan maamulkii hore ee Laftagareen, ayaa sheegay in ay saaka duulaan ballaaran ku qaadeen magaalada Baydhabo, isla markaana ay khasaare culus gaarsiiyeen ciidamada dawladda.
Wasiirka Amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed, Isaaq Maxamed Korsaar oo BBC-da la hadlay ayaa isna ku eedeeyay ciidamadii soo weeraray magaalada in ay garab siiyeen al Shabab’ : “Waxaa na soo weeraray Shabab iyo qoladii Shabaabka kalkaalka,” ayuu yiri mar uu ka hadlay weeraradii saaka ka dhacay Baydhabo.
Balse afhayeen u hadlay ciidamada la sheegay in ay daacadda u yihiin madaxweyanhii hore ee Koonfur-galbeed iyaguse sheegta in ay yihiin ciidamada Daraawiishta Koonfur-galbeed, ayaa diiday eedaha loo jeediyay ciidankooda.
“Annaga Shabab nalama dhaho. Dwoladdu shababaka iyada ayaa taqaana ee haraadsato. Annaga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa nala dhahaa,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay ciidamada, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo u wararmayay BBC-da. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “waxay Shabaab gaystaan masuuliyadooda nalama waydiinayo, Shabaabna ma nihin.”
Ugaas Xasan waxa kale ee uu soo hadal qaaday in markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay duulaanka ku qaadayeen magaalada Baydhabo ay soo dhexmareen dhul ay joogaan Shabaabku, isaga oo iska difaacayay eedda ay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya u jeedisay ciidamadooda.





