Laascaanood anaga ayaa Somaliland Ka soo jarnay, Iminkana anaga ayaa ku celin karna,waxaanan diyaar u nahay Wada hadal.

Hadaladaasi waxa ay ka soo yeedheen Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibada Somaliya
Cali Balcad oo aan xukuumadda uu sheeganayaa ayna wada maamulin ama ka talin tuulooyinka ku hareeraysan magaaladda Muqdisho.

Waxa sido oo kale xaqiiq ah in magaaladda Kaalkacayo oo uu ka soo jeedo aanu ka talin qayb ka mid ah taasi oo Madaxweynaha isaga xilka u magacaabay uu todobaadkii hore uu booqan kari waayay oo loo diiday qaybta ugu mihiimsan magaaladda Kaalkacayo.

Maanta ma jirto wax la yidhaa dawladda Somalia oo ay aqoonsanyihiin dadkeedu waana dawlad fashilantay.