Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Israel, Dr. Maxamed Xaaji, ayaa magaalada Qudus kaga qaybgalay kulan diblomaasiyadeed oo caalami ah oo lagu qabtay Tower of David, kaas oo qayb ka ahaa barnaamijka “Bridge of Gold for International Unity” oo macnihiisu yahay “Buundada Dahabka ah ee Midnimada Caalamiga ah”, kaas oo xambaarsan farriin ku saabsan isku xidhka dadka iyo dalalka, iyadoo xoogga la saarayo nabadda, wadajirka, iskaashiga iyo isfahamka caalamiga ah.

Sidoo kale Munaasabaddan waxaa ka soo qayb galay Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Israel, safiirro kale iyo diblomaasiyiin caalami ah oo fadhigoodu yahay Qudus, iyadoo diiradda lagu saaray muhiimadda ay leeyihiin midnimada caalamiga ah, wada-shaqaynta diblomaasiyadeed, isfahamka iyo dhisidda xidhiidho wanaagsan oo u dhexeeya dalalka iyo bulshooyinka kala duwan.

Barnaamijkan Bridge of Gold for International Unity, “Buundada Dahabka ah ee Midnimada Caalamiga ah,” waa munaasabad xambaarsan farriin mug leh oo la xidhiidha muhiimadda iskaashiga iyo midnimada ee caalamiga a, nabadda, wada-shaqaynta iyo isfahamka diblomaasiyadeed. Munaasabadda waxaa diiradda lagu saaraa sidii la isugu keeni lahaa wakiillo iyo diblomaasiyiin ka kala socda dalal kala duwan, iyadoo la xoojinayo midnimada, wada-hadalka iyo xidhiidhada caalamiga ah ee wax ku oolka ah, taas oo loo arko astaan dhiirrigelinaysa iskaashi, nabad, wadajir iyo isfaham caalami ah.

Ka qaybgalka Safiirka Somaliland ee kulankan ayaa fursad u noqday in Somaliland ay ka dhex muuqato madal ay isugu yimaadeen wakiillo diblomaasiyadeed oo caalami ah, iyadoo sidoo kale ay muhiim u tahay xoojinta xidhiidhada iyo is-dhexgalka diblomaasiyadeed ee Somaliland la leedahay dhinacyada kala duwan. Munaasabaddan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo kulamada iyo isu-imaatinnada diblomaasiyadeed ay door muhiim ah ka qaataan kobcinta wada-hadalka, iskaashiga iyo fahamka ka dhexeeya dalalka iyo bulshooyinka caalamka.

Sidaana waxa lagu sheegay warbixin qoraal ah oo Safiirka Somaliland ee Israel soo dhigay bartiisa X, taas oo wargeyska Dawan soo xigtay una qornayd sidan: “Waxaa sharaf ii ahayd inaan ka qaybqaato munaasabaddan muhiimka ah ee lagu qabtay Tower of David ee magaalada Qudus, taas oo ahayd munaasabadda ‘Bridge of Gold for International Unity’, anigoo ay weheliyaan Safiirka Maraykanka iyo safiirro iyo diblomaasiyiin kale oo fadhigoodu yahay Qudus.”