Warbaahinta Beirut Wire, oo fadhigeedu yahay magaalada Beirut ee dalka Lubnaan, ayaa warbixin ay daabacday ku sheegtay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu booqasho taariikhi ah ku joogo magaalada Washington ee dalka Maraykanka. Warbixintu waxay safarka Madaxweynaha ku tilmaantay mid ka mid ah safarrada diblomaasiyadeed ee ugu muhiimsan uguna miisaanka culus ee la xidhiidha dadaallada Somaliland ugu jirto ballaadhinta aqoonsigeeda caalamiga ah, isla markaana lagu dardargelinayo xoojinta iyo horumarinta xidhiidhada caalamka.

Sidoo kale, warbixinta Beirut Wireoo uu soo xigtay Wargeyska Dawan, ayaa lagu sheegay in booqashada Madaxweynaha Somaliland ay ku soo beegmayso xilli qadiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay mar kale si weyn uga dhex muuqanayso fagaarayaasha waaweyn ee dunida, doodaha siyaasadeed iyo istiraatiijiyadeed ee caalamiga ah, gaar ahaan kuwa la xidhiidha mustaqbalka juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika. Sidaa darteedna, marka loo eego muhiimadda iyo duruufaha ku xeeran arrimahaas, ay booqashadani xambaarsan tahay muhiimad weyn oo ku aaddan jihaynta iyo horumarinta siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland, iyadoo sidoo kalena gacan ka geysan karta xoojinta kaalinta iyo doorka Somaliland ee arrimaha istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka Badda Cas.

Sida lagu sheegay warbixintan Beirut Wire, booqashada Madaxweynaha Somaliland waxay xoogga saaraysaa xoojinta iyo horumarina iskaashigaga labada dal, iyadoo arrinta aqoonsiga Somaliland ee dawladda Maraykanku ay tahay mid ka mid ah yoolalka ugu muhiimsan ee safarkan. Warbixintu waxa kale oo ay tilmaantay in Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayaa ay diiradda saarayaan xoojinta xidhiidhka siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, soo jiidashada maalgashiga, iyo dardargelinta dadaallada Somaliland ugu jirto ballaadhinta aqoonsigeeda caalamiga ah.

Warbaahintu waxay sidoo kale xustay muhiimadda juqraafiyeed iyo doorka istiraatiijiga ah ee Somaliland, gaar ahaan goobta ay kaga taallo Gacanka Cadmeed. Warbixintu waxay iftiimisay in Somaliland ay leedahay xeeb dheer oo muhiimad weyn u leh amniga, ganacsiga iyo isu-socodka maraakiibta caalamiga ah, taas oo ku dhow marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Bab el-Mandeb. Warbixintu waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay muhiimadda Dekedda Berbera iyo kaabayaasha kale ee istiraatiijiga ah ee Somaliland, xilli amniga iyo isu-socodka ganacsiga Badda Cas ay si weyn uga dhex muuqdaan siyaasadda iyo danaha istiraatiijiga ah ee caalamka.

Sida lagu sheegay warbixinta, qodobada muhiimka ah ee Somaliland u soo bandhigayso Washington waxa ka mid ah awoodda iyo muhiimadda istiraatiijiga ah ee Dekedda Berbera iyo kaabayaasha kale ee ku xeeran. Xili Dekedda iyo goobaha kale ee istiraatiijiga ah ee Somaliland ay Maraykanka siin karaan fursado dheeraad ah oo la xidhiidha sugidda ammaanka maraakiibta ganacsiga, la socodka xaaladaha amni ee Badda Cas iyo ka hortagga khataraha amni ee ka iman kara gobolka. Waxa kale oo warbixintu xustay in iskaashi amni iyo dhaqaale oo qoto dheer oo dhex mara Somaliland iyo Maraykanka uu mustaqbalka horseedi karo taageero siyaasadeed oo sii xoogaysata, taas oo qayb ka noqon karta horumarinta dadaallada Somaliland ugu jirto helitaanka aqoonsi diblomaasiyadeed oo buuxa.

Waxa kale oo warbixintu xustay in iskaashi amni iyo dhaqaale oo qoto dheer oo dhex mara Somaliland iyo Maraykanka uu mustaqbalka horseedi karo taageero siyaasadeed oo sii xoogaysata, taas oo qayb ka noqon karta horumarinta dadaallada Somaliland ugu jirto helitaanka aqoonsi diblomaasiyadeed oo buuxa. Warbixintu waxay tilmaantay in doodda Somaliland ee ku wajahan Washington aanay ku koobnayn oo keliya arrimaha siyaasadda iyo dimuqraadiyadda, balse ay si weyn ugu tiirsan tahay goobta istiraatiijiga ah ee ay Somaliland ku taallo.

Waxay intaas ku dartay in muhiimadda goobtan ay sii kordhayso iyadoo ay jiraan khataro amni oo la xidhiidha isu-socodka maraakiibta ganacsiga, xiisadaha siyaasadeed ee ka jira gobolka iyo tartanka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya quwadaha caalamiga ah. Arrimahaasina ay Somaliland ka dhigayaan goob muhiim u ah amniga iyo ganacsiga caalamiga ah. Sidoo kale waxa lagu xusay warbixinta in Madaxweynaha ay weheliyaan xubno sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, kuwaas oo ay ku jiraan masuuliyiin u qaabilsan arrimaha dibadda, gaashaandhigga iyo duulista iyo sidoo kale la-taliyeyaal dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda arrimaha dibadda. ah

Beirut Wire waxay tilmaantay in booqashada Madaxweynaha Somaliland ay tahay dadaal diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in Washington lagu qanciyo muhiimadda istiraatiijiga ah ee Somaliland u leedahay danaha Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo ilaalinta danaha gobolka. Sida ay ku warrantay Beirut Wire, ajandaha booqashada weftiga Madaxweynaha Somaliland wuxuu ku salaysan yahay afar qodob oo waaweyn, kuwaas oo kala ah: xoojinta xidhiidhka siyaasadeed ee Somaliland iyo Washington, ballaadhinta iskaashiga dhinaca amniga, soo jiidashada maalgashiga Maraykanka iyo horumarinta dadaallada Somaliland ee ku aaddan helitaanka aqoonsi caalami ah.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in la filayo in Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigiisu ay kulamo la yeeshaan xubno ka tirsan Aqalka Wakiillada iyo Senate-ka Maraykanka, siyaasiyiin, ganacsato iyo xubno ka tirsan qurba-joogta Somaliland. Beirut Wire waxay xustay in Jamhuuriyadda Somaliland, oo dib ula soo noqotay madaxbannaanideedii sannadkii 1991, ay tan iyo xilligaas dhisatay hay’ado dowladeed, ciidamo amni, lacag iyo nidaam siyaasadeed oo u gaar ah.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in xaaladda diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland ay isbeddel weyn samaysay dabayaaqadii sannadkii 2025, kaddib markii dawladda Israel ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland. Sida warbixintu sheegtay, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sidoo kale booqasho rasmi ah ku tagay dalka Israel, halkaas oo Somaliland ka hirgelisay xidhiidho diblomaasiyadeed oo rasmi ah, taas oo sare u qaaday dadaallada Hargeysa ugu jirto ballaadhinta aqoonsiga caalamiga ah iyo xoojinta xidhiidhada ay la leedahay dalalka dunida.