
Maraykanka ayaa xaqiijiyay inuu hawada sare, meeraha Dhulka ku wareegsan, geeyay hub loo adeegsado dagaalka hawada sare, taas oo ah markii ugu horreysay ee uu si rasmi ah u qiro inuu leeyahaP0P0⁰Tetd886w awood noocaas ah oo weerar ah.
Xoghayaha Ciidanka Cirka ee Maraykanka, Troy Meink, ayaa sheegay in hubka ku sugan hawada sare uu muhiim u yahay ilaalinta ciidamada Maraykanka iyo ka hortagga weerarrada cadowga.
Isagoo Isniintii ka hadlayay shirkii Ciidanka Cirka, Hawada Sare iyo Internet-ka ee loo yaqaan Air, Space and Cyber Conference, Meink wuxuu sheegay in Maraykanku diyaar u yahay inuu wajaho “khataraha isbeddelaya”, balse ma uusan faahfaahin awoodda hubkan ama xiligii hawada sare la geeyay.
Hoggaamiyeyaasha sare ee milatariga Maraykanka ayaa horey u sheegay inay qorsheynayaan in la xoojiyo awoodda milatari ee hawada sare, iyagoo tilmaamay barnaamijyada Ruushka iyo Shiinaha ee lagu horumarinayo habab lagu weerari karo ama lagu carqaladeyn karo dayax-gacmeedyada Maraykanka haddii uu mustaqbalka dagaal dhaco.
Maamulka Trump ayaa sheegay in awoodaha milatari ee hawada sare iyo gantaallada wax-ka-qabta ay qayb muhiim ah ka yihiin nidaamka difaaca uu qorsheeyay ee loo yaqaan “Golden Dome”, kaas oo loogu talagalay in Maraykanka laga ilaaliyo gantaallada iyo khataraha kale ee hawada.
Heshiis caalami ah oo la saxiixay sannadkii 1967 ayaa mamnuucaya in hubka wax gumaada la geeyo ama lagu keydiyo hawada sare. Tan iyo markaas, quwadaha waaweyn oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Ruushka iyo Shiinaha ayaa baarayay awoodo kale oo aan heshiiskaas si toos ah uga hor imaanayn, sida in la bartilmaameedsado dayax-gacmeedyada dalalka ay iska soo horjeedaan. Dayax-gacmeedyadu waxay muhiim u yihiin isgaarsiinta milatariga, la socodka iyo hagidda ciidamada.
Sannadkii hore, Madaxweyne Donald Trump wuxuu soo saaray amar fulineed oo xoojinaya doorka Ciidanka Hawada Sare ee Maraykanka , isaga oo sheegay in ciidanku uusan ku koobnaan doonin oo keliya difaaca hantida Maraykanka ee hawada sare, balse uu sidoo kale yeelan karo awood weerar.
US Space Force, oo ah laanta ugu cusub ee ciidamada qalabka sida ee Maraykanka muddo ka badan 70 sano, waxaa la aas-aasay sannadkii 2019 si loo ilaaliyo hantida Maraykanka ee hawada sare, oo ay ku jiraan boqolaal dayax-gacmeed oo loo adeegsado isgaarsiinta iyo kormeerka.
Afhayeen u hadlay Ciidanka Hawada Sare ee Maraykanka ayaa sheegay in “xakamaynta hawada sare” ay ka kooban tahay hawlgallada looga baahan yahay in lagu tartamo laguna xakameeyo goobta hawada sare, iyadoo la adeegsanayo habab waxyeello geysta iyo kuwo aan waxyeello toos ah geysan si loo carqaladeeyo, loo wiiqo ama xitaa loo burburiyo awoodaha cadowga haddii loo baahdo.
Afhayeenku wuxuu sheegay in awoodahan loo adeegsan karo difaac iyo weerarba, iyadoo lagu salaynayo amarrada hoggaanka ciidamada dagaalka.
Horraantii bishii Febraayo, waxaa la shaaciyay in laba dayax-gacmeed oo Ruushku leeyahay ay u badan tahay inay qabteen ama dhexgaleen isgaarsiinta ugu yaraan 12 dayax-gacmeed oo Yurub leeyahay tan iyo markii Ruushku duullaanka ku qaaday Ukraine sannadkii 2022-kii.
Dhexgalka noocaas ah ayaa laga yaabaa inuu sirdoonka Ruushka u saamaxay inuu akhriyo xogta xasaasiga ah ee ay dayax-gacmeedyadu gudbinayeen, ama, aragti ahaan, xitaa inuu la wareego gacan-ku-haynta dayax-gacmeedyada.
Sannadkii 2024, Maraykanku wuxuu sheegay in Ruushku hawada sare u diray dayax-gacmeed uu Maraykanku aaminsanaa inuu awood u leeyahay inuu weeraro dayax-gacmeedyo kale. Ruushku si rasmi ah ugama uusan hadlin arrintaas.
Ciidanka Hawada Sare ee Maraykanka ayaa sheegay in Shiinuhu “horumariyo oo isticmaalo awoodo hawada sare iyo kuwa lidka-hawada sare ah, taas oo qayb ka ah istaraatiijiyaddiisa casriyeynta milatariga.”
Waxa kale oo uu sheegay in Ruushku “hawada sare u arko goob dagaal, isla markaana aaminsan yahay in ka sarreysnaanta hawada sare ay noqon doonto arrin go’aamisa dagaallada mustaqbalka.”
Bbc somali





