Sida aan horey idinkugu soo tebinay, difaaca cirka Sacuudiga ayaa sheegay inuu qabtay oo burburiyay diyaarad aan duuliye lahayn oo Xuutiyiinta Yemen ay soo direen, ka hor inta aysan gelin hawada xaddidan ee magaalada Makka.
Waxay Xuutiyiinta ku eedeyeen weerarka, iyadoo sheegtay in weerarku ka gudbay khad cas.
Dhanka kale, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa sidoo kale Arbacadii cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay “weerarrada foosha xun ee kooxda Xuutiyiinta ay ku qaaday magaalada barakeysan ee Makka iyo gobolka Madiina, iyo gardarrada ay sii waddo ee ka dhanka ah Boqortooyada Sacuudi Carabiya.”
Waxaa uu ku tilmaamay weerarka Xuutiyiinta “mid aad u fool xun”, balse kooxda Xuutiyiinta oo Iran ay taageerto ayaa beenisay inay weerarka ka dambeysay.
Hizam al-Assad, oo ka tirsan xafiiska siyaasadda Xuutiyiinta, ayaa beeniyay bayaanka isbahaysiga, isagoo wararka Sacuudiga ku tilmaamay “been”.
Waxay carrabka ku adkaysay in “falalka ay maleeshiyaadka argagixisada Xuutiyiinta ka geysteen goobaha barakeysan, masaajidda iyo goobaha rayidka ay yihiin argagixisanimo ka hor imanaysa qiyamka, dhaqanka, mabaadi’da Islaamka iyo xeerarka caalamiga ah.”





