














Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta ka qayb galay Shirweynaha Horumarinta Ganacsatada yar-yar, kuwa dhexe iyo Iskaashatooyinka, oo lagu lafo-gurayo doorka ganacsiga yaryar iyo kuwa dhexe ee kobaca dhaqaalaha, abuurista shaqooyinka iyo horumarinta iawoodda dhaqaale ee bulshada.
Shirweynahan oo lagu qabtay Hotel Serene Sarovar Premiere Hargeisa, ayaa waxa isugu yimid masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Hay’adaha ay khusayso horumarinta ganacsiga, Ganacsatada dalka, Wakiillo ka socda iskaashatooyinka iyo qaybaha kale ee bulshada, waxa muhimmad gaar ah lagu siiyey sidii loo xoojin lahaa fursadaha ganacsi ee ay heli karaan ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe, isla markaana loo abuuri lahaa hannaan awood u siinaya in ay si joogto ah u kobciyaan wax-soo-saarkooda.
Sidoo kale, Shirweynaha waxa lagaga hadlay caqabadaha haysta ganacsatada yar-yar iyo kuwa dhexe, fursadaha jira, sidii loo horumarin lahaa helitaanka maalgelinta, tababarro iyo aqoon kororsi yo sidii loo xoojin lahaa iskaashatooyinka oo laf-dhabar u noqon kara horumarinta dhaqaalaha bulshada.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo shirka ka hadlay ayaa tilmaamay in ganacsatada yar-yar iyo kuwa dhexe ay yihiin qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqaalaha dalka, maadaama ay door weyn ka qaataan abuurista fursadaha shaqo, kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo kor u qaadista dhaq-dhaqaaqa dhaqaale ee bulshada.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa sidoo kale xusay in iskaashatooyinku ay yihiin hannaan muhiim u ah isku-xidhka bulshada iyo isu-geynta awoodda dhaqaale ee muwaadiniinta, gaar ahaan dadka ku hawlan wax-soo-saarka, beeraha, xoolaha, farsamada gacanta iyo adeegyada kala duwan.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu tilmaamay in horumarinta ganacsatada yar-yar iyo kuwa dhexe ay muhiim u tahay kobcinta dhaqaalaha bulshada, abuurista fursado shaqo iyo kor u qaadista wax-soo-saarka gudaha, isaga oo ganacsatada ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan fursadaha jira, isku-xidhnaantana ka dhaliyaan awood dhaqaale oo waarta.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna kusimaha Madaxweynaha Md.Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sheegay in ka xukumad ahaan ka go’an tahay dhiirigelinta Ganacsatada yar yar iyo kuwa dhexe.





