Intii aan ku sugnaa Washington, D.C., waxaan kulamo muhiim ah la yeeshay khubaro iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Atlantic Council iyo Foundation for Defense of Democracies (FDD).

Kulamadan waxa aan kaga wada hadalnay danaha istiraatiijiga ah ee Somaliland iyo Maraykanka, amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, xasilloonida Geeska Afrika, ilaalinta marin-biyoodyada muhiimka u ah ganacsiga caalamiga ah, iyo sidii loo dhisi lahaa iskaashi qoto dheer oo waara oo dhex mara labada dal.

Waxaan si gaar ah u adkeeyey in Somaliland muddo ka badan saddex iyo soddon sannadood ay dhisaysay dawladnimo ku salaysan rabitaanka shacabka, dimuqraadiyad, doorashooyin xor ah iyo kala-guur siyaasadeed oo nabdoon. Waayo-aragnimadeennu waxay caddeyn u tahay in dimuqraadiyadda, dawladnimada iyo xasilloonidu ay yihiin tiirar isku xidhan oo muhiim u ah nabadda iyo horumarka gobolka.

Waxaan sidoo kale iftiimiyey muhiimadda istiraatiijiga ah ee Somaliland iyo Dekedda Berbera, oo ku taalla mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu muhiimsan dunida. Somaliland waxay diyaar u tahay inay Maraykanka iyo saaxiibbadiisa kala shaqayso amniga badda, xasilloonida gobolka, ganacsiga iyo maalgashiga.

Somaliland maanta waxay Washington la wadaagaysaa farriin cad: waxaan nahay dal dimuqraadi ah, xasilloon oo leh hay’ado shaqaynaya, kuna yaalla goob istiraatiiji ah; waxaanan diyaar u nahay iskaashi ku dhisan kalsooni, dano wadaag iyo mas’uuliyad wadajir ah.