Suldaan Daa’uud Sul. Maxamed Sul. Cabdiqaadir Suldaanka Guud ee Somaliland oo Baaq Nabaddeed u diray beelo walaalo ah ee Dirir dhex martay.

“Waxaan baaq nabadeed udirayaa beelaha walaalaha ah ee Samaroon iyo Ciise ee ku dagaalamaya gobolada galbeedka somaliland.

Colaad wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, waxa meesha ku dagaalamayaa waa dad ehel ah oo wada dhashay, waa wiil iyo abtigii waxaan ugu baaqayaa labada dhinac’ba Nabad, Nabad baa naas la nuugo lehe nimanyow illahay ka cab’sada oo toloow colka jooja, una soo noqda gogosha nabada iyo wada hadalka, diyaar baan anaguna unahay in aanu idin kala hawlgalno waxkaste oo ay nabadu ku xidhmayso.

Intii dhimatay waxaan leeyahay alle ha unaxariisto inta dhaawac ahna alle ha u booga dhayo.
Ugu dambeyn shacabweyna reer somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay ka shaqeyyaan nabada iyo wixii wanaag ah ee dadka isu jiidaya

ALLA MAHAD LEH