Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) a
yaa sheegtay inaysan aqbalayn hadalka Marco Rubio, ee weerarrada lagu qaado xarumaha milatariga ku tilmaamay falal argagixisanimo.

War-saxaafadeed ay TPLF soo saartay 9-kii Sebtembar 2019 ayay ku muujisay sida ay uga xun tahay hadalka Rubio, kaas oo uu ku sheegay in diidmada Tigray ee gooni-u-goosadka iyo weerarrada lagu qaado xarumaha milatariga ay yihiin falal argagixisanimo.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Sabtidii, isagoo ka hadlayay xaaladda Itoobiya, sheegay in ay dalka ka jiraan kooxo gooni-u-goosad ah oo weerarro fulinaya, isla markaana dowladda Itoobiya ay ka jawaabayso weerarradaas.

Waxa uu sidoo kale weerar diyaaradeed oo aan duuliye lahayn oo ka dhacay Addis Ababa la xiriiriyay argagixisanimo.

TPLF ayaa sheegtay in hadalka Rubio uu iska indho-tirayo sababaha dib u soo cusboonaaday dagaalka, gaar ahaan sida ay sheegtay, in dowladda federaalku ay fulin weyday heshiiskii xabbad-joojinta ee lagu saxiixay Pretoria, taas oo ku qasabtay shacabka Tigray inay is-difaacaan.

Jabhaddu waxay sheegtay inaysan aqbalayn hadalka xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka.

TPLF ayaa xusuusisay inay marar badan ku baaqday in wada-hadallo nabadeed la bilaabo ka hor inta uusan dagaalku dib u qarxin.

Waxay sidoo kale Mareykanka iyo quwadaha kale ku dhaliishay inay qaadi waayeen tallaabo wax ku ool ah oo lagu joojinayo dagaalka.

“Waxaa nalagu qasbay inaan dadkeenna ka difaacno dilka iyo burburka markii dowladda federaalku ay ku dhawaaqday dagaal ballaaran,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Jabhaddu waxay intaas ku dartay inay Mareykanka ka filaysay inuu gacan ka geysto soo afjaridda dagaalka iyo fududeynta wada-hadallo wax-ku-ool ah.

TPLF ayaa ku tilmaantay arrin “aad looga xumaado” in tallaabooyinka ay ku sheegtay is-difaac lagu tilmaamo falal gooni-u-goosad ah.

Waxay sheegtay in hadalka Rubio uu “qalloocinayo taariikhda iyo ujeeddada halganka shacabka ee nabadda, sinnaanta iyo jiritaankooda,” isla markaana uu mugdi gelinayo doorka ay dowladda talada haysa ku leedahay hor istaagga xal nabadeed.

Ugu dambeyn, TPLF ayaa Mareykanka ugu baaqday inuu dib u eego mowqifkiisa, isla markaana uu door muhiim ah ka qaato xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida Itoobiya.