Iran ayaa taliyaha ciidamada Pakistan u sheegtay inaysan wada-hadallo la geli doonin Mareykanka ilaa laga fuliyo shuruudaha ay dejisay.

Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in madaxweynaha dalkaas, Masoud Pezeshkian, uu magaalada Tehran kula kulmay taliyaha ciidamada Pakistan, Field Marshal Asim Munir, ayna ka wada hadleen dadaallada socda ee wada-xaajoodka iyo xaaladaha gobolka.

Pakistan ayaa door muhiim ah ka ciyaaraysa dhexdhexaadinta u dhexeysa Mareykanka iyo Iran.

Dadaallo hore oo lagu doonayay in lagu gaaro heshiis nabadeed ayaa horseeday is-afgarad hordhac ah bishii Juun ee sannadkii hore, balse heshiiskaasi wuxuu burburay toddobaadyo kaddib markii ay mar kale xoogaysteen xiisadaha u dhexeeya labada dal.

Munir ayaa sidoo kale kulan la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf.

Bayaan ay Iran soo saartay oo ku saabsan kulanka ayaa lagu sheegay in Tehran aysan dib u heli doonin kalsoonida Washington ilaa Mareykanku fuliyo toddobada shuruudood ee Iran ay bishii hore u dejisay dib u furista marin-biyoodka Hormuz.

Shuruudahaas waxaa ka mid ah in Mareykanku qaado xayiraadaha saaran dekedaha Iran, uu joojiyo cunaqabateynta dhoofinta shidaalka Iran, isla markaana la soo afjaro colaadaha ka socda dhammaan jihooyinka gobolka.

Madaxa sirdoonka Iran, Mohsen Rezaei, ayaa farriin la mid ah u gudbiyay Munir intii uu la hadlayay.

Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in Tehran aysan wada-hadallo la geli doonin Washington ilaa laga fuliyo dalabaadkeeda.

Rezaei ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan uranium-ka la kobciyay uu ku sii nagaan doono gudaha Iran. Hadalkiisa ayaa la jaanqaadaya mowqifka hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Mojtaba Khamenei, oo sheegay in uranium-ka la gaarsiiyay heer lagu samayn karo hub aan loo wareejin doonin dal kale.

Bbc somali