Fadhigii 78-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu wehelinayo Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Qodobbada lagaga wada hadlay Fadhiga 78-aad waxa ka mid ahaa:
𝟏. 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka JSL, Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Golaha uga xog-warramay xaaladda amniga iyo xasilloonida guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo xaqiijiyey in guud ahaan xaaladda amni ee dalku ay tahay mid wanaagsan, isla markaana aanay jirin wax amni darro ah. Wasiirku waxa uu xusay in Hay’adaha kala duwan ee Amniga Qaranku ay si buuxda ugu diyaarsan yihiin ilaalinta nabadda, kala dambaynta iyo amniga Qaranka, iyada oo la sii xoojinayo wada-shaqaynta ka dhaxaysa Hay’adaha Amniga Qaranka iyo feejignaanta bulshada Jamhuuriyadda Somaliland oo ah laf-dhabarta nabadda iyo xasilloonida Qaranka.
𝟐. 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey xaaladda guud ee caafimaadka dalka, gaar ahaan xanuunka loo yaqaan Ebola oo uu keeno Virus-ka Bundibugyo, kaasi oo bishii May 2025-kii ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo (DRC), dad badanina ay u dhinteen.
Wasiirku waxa uu Golaha u xaqiijiyey in ilaa hadda Somaliland aanu jirin qof uu ku dhacay xanuunka Ebola, balse arrintani ay tahay khatar caafimaad oo ku soo wajahan Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xagga duulimaadyada iyo isu-socodka bulshada, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in Qaran ahaan la galo feejignaan dheeraad ah iyo diyaar-garow joogto ah.
Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay tallaabooyinka ay qaadday Wasiirrada Horumarinta Caafimaadku oo ay ka mid yihiin:
1) Hawl-gelinta guddi joogto ah oo qaabilsan ka hortagga xanuunka Ebola,
2) Tababarka shaqaale caafimaad oo la xidhiidha xakamaynta xanuunka Ebola,
3) Xoojinta shaqaalaha caafimaadka ee ka shaqeeya garoonka diyaaradaha ee Hargeysa iyo magaalooyinka xuduudaha,
4) Xoojinta wada shaqaynta Hay’adaha Dawladda ee ay si toos ah ama si dadban u khusayso, sida Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Duulista, Warfaafinta, Diinta iyo Awqaafta, Waxbarashada, Hay’adda Socdaalka, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex, Mayorka Caasimadda,….
𝟑. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐑𝐞𝐞𝐫 𝐌𝐢𝐲𝐢𝐠𝐚:
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Mudane Dr Cumar Shucayb Maxamed ayaa Golaha Wasiirrada uga xog-warramay horumarka Mashruuca Banka Qoolcaday iyo doorka uu ku leeyahay horumarinta reer miyiga, nolosha Xoolaha iyo kobcinta dhaqaalaha Qaranka.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay habsami-u-socodka Ololaha tallaalka iyo daaweynta Xoolaha ee ay Wasaaraddu ka fulisay Gobollada Bariga Dalka, kaas oo qayb ka ah dadaallada Qaranka ee lagu ilaalinayo caafimaadka xoolaha, laguna xoojinayo nolol-maalmeedka bulshada Xoolo dhaqatada ah.
Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay korodhka muuqda ee ku yimid dhoofka Xoolaha iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la sameeyo Qorshe Qaran oo lagu horumarinayo dhaqashada, caafimaadka, wax-soo-saarka iyo daryeelka xoolaha dalka.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in ganacsiga xooluhu uu yahay laf-dhabar dhaqaale oo si toos ah u taabanaya nolosha qaybo badan oo ka mid ah bulshada JSL, sidaas darteedna loo baahan yahay in loo wajaho si ka duwan habkii hore ee dhaqashada Xoolaha.
Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay muhimadda ay leedahay in Qaranka JSL uu si istiraatiji ah ugu diyaar-garoobo
tartanka sii kordhaya ee suuqyada dhoofintooda Xoolaha, isaga oo si adag u soo jeediyey in si degdeg ah loo dhiso loona qalabeeyo Deked u gaar ah dhoofka xoolaha (Livestock Terminal in Berbera), taas oo kor u qaadi karta tayada iyo tartanka dhoofka xoolaha Somaliland.
𝟒. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐞𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚:
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay warbixin ku saabsan habsami-u-socodka Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Qaranka JSL, kor u kaca muuqaalka, sumcadda iyo miisaanka diblomaasiyadeed ee JSL, iyo danaynta sii kordhaysa ee ay beesha caalamku u hayso Somaliland.
Waxa uu si gaar ah u xusay guulaha diblomaasiyadeed ee laga soo hooyey safarkii shaqo ee Madaxweynaha iyo weftigiisu ay ku tageen dalka Maraykanka, isaga oo si gaar ah u tilmaamay hadalkii uu Madaxweynaha Maraykanku ka sheegay Somaliland (Somaliland waa dal ka duwan Soomaaliya) kaasi oo sare u qaaday muuqaalka Qaranka, soo jiitay indhaha caalamka, isla markaana horseeday fursado iyo xidhiidho caalami ah oo cusub, kaasi oo xoojinaya meeqaamka Somaliland iyo dadaallada ay ugu jirto xaqiijinta danaha iyo himilooyinka Qaranka.
Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha Wasiirrada u sheegay in Wasaaraddu ay diyaarinayso hab-raacyo rasmi ah oo lagu jaan-gooynayo hab-maamuuska diblomaasiyadeed ee ay tahay in loo raaco Masuuliyiinta sare ee Qaranka JSL marka ay safarro shaqo ugu baxayaan dalalka dibedda, si loo xaqiijiyo nidaam sax ah iyo matalaad Qaran oo waafaqsan sharafta, haybadda iyo danaha Jamhuuriyadda Somaliland.
𝟓. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐮𝐮𝐥𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐉𝐒𝐋:
Wasiir ku-xigeenka
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yuusuf Keyse Cabdillaahi ayaa Golaha Wasiirrada uga xog-warramay Nidaamka IATA-BSP, isaga oo adkeeyey mawqifka Qaranka JSL ee la xidhiidha ilaalinta madax-bannaanida maamulka hawada iyo duulimaadyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiir ku-xigeenku waxa uu Golaha u sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay si adag uga soo horjeeddo faragelin kasta, tallaabo kasta ama hannaan kasta oo lagu carqaladaynayo maamulka madax-bannaan ee hawadeeda, nidaamyada duulimaadyadeeda iyo danaha dalka iyo dadka JSL.
Wasiir-ku-xigeenka waxa uu si adag u dul istaagay in arrimaha la xidhiidha hawada Somaliland loo maamulayo si la mid ah xaqa uu Qaranka JSL u leeyahay ilaalinta xuduudihiisa badda, berriga iyo hawadiisa, difaaca madaxbannaanidiisa, badbaadada duulimaadyada iyo danaha muwaadiniintiisa, Qaranka JSL uu qaadi doono tallaabo kasta oo uu ku sugayo maamulka iyo amniga hawadiisa.
Goluhu wuxuu isla qaatay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay qaadayso tallaabooyin ku habboon fara-gelinta qaawan iyo carqaladaynta ay Soomaaliya ku hayso hawada Somaliland.
𝟔. 𝐀𝐤𝐡𝐫𝐢𝐬𝐤𝐚 𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐛𝐲𝐨-𝐪𝐨𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐀𝐬𝐥𝐮𝐮𝐛𝐭𝐚 𝐉𝐒𝐋:
Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa guda-galay akhriska 2-aad ee Qabyo-qoraalka Xeerka Ciidanka Asluubta JSL.
Xeerkan oo waxtar weyn u leh Qaranka JSL, waxa Golaha faahfaahin ka siiyey ujeeddiisa iyo muhimadda Xeerka Ciidanka Asluubta Wasiirka Wasaaradda Caddaalada JSL, Mudane Yoonis Axmed Yoonis.
Wasiirku waxa uu xusay in Wasaaraddu ay dhammaystirtay Xeerkan, Ciidanka Asluubtuna uu muddo dheer baahi weyn u qabay, maadaama uu yahay Xeer uu waajibiyey Dastuurka JSL qodobkiisa 124-aad. Wasiirku waxa uu iftiimiyey ujeeddada Xeerka, taasoo ah maamulka Ciidanka Asluubta, qeexitaanka qaab-dhismeedka, awoodaha, waajibaadkooda, masuuliyadaha,
xuquuqaha, hannaanka dallacaadaha iyo anshax marinta xubnaha Ciidanka Asluubta.
Wasiirku waxa uu mar labaad Golaha Wasiirrada ka codsaday in ay soo akhriyaan, soona dersaan Qabyo-qoraalka Xeerka Ciidanka Asluubta JSL, taladoodana ku biiriyaan si loogu codeeyo fadhiyada soo socda.





