Cali Bagheri, ku-xigeenka xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iraan, ayaa xaqiijiyay in Wasiirka Difaaca Sacuudi Carabiya, Khalid bin Salman, Taliyaha Ciidanka Pakistan, Asim Munir, iyo Madaxa Sirdoonka Turkiga, Ibrahim Kalin,la filayo inay maanta iskugu wada yimaadan caasimadda Iiraan ee Tehraan, waxa ayna kulan wadajir ah la yeelan doonaan mas’uuliyiinta Iraan inta ay booqashada ku joogaan magaalada Tehran.

Mr Bagheri ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Qaranka Iraan ku sheegay in Asim Munir uu horay, kulan uu la yeeshay Mohsen Rezaei, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ugu sheegay in saraakiil sare oo ka socda saddexdan dal ay go’aansadeen inay u safraan Tehran, halkaasna ku yeeshaan kulan wadajir ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Iraan iyo saddexdan dal ay iska kaashan karaan sidii sare loogu qaadi lahaa “amniga gobolka, kaas oo ku dhisan awoodaha gudaha”, iyaga oo ka faa’iidaysanaya waxa uu ku tilmaamay “waayo-aragnimada guulaysatay ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran u leedahay dhismaha amniga qaranka” intii uu socday dagaalkii dhowaan dhacay.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa horay u tebisay, iyadoo soo xiganaysa laba ilo-wareed oo xog-ogaal ah, u sheegtay in saraakiil sare oo ka socda Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan, oo ah saddex dal oo xubno ka ah “Heshiiska Maka”, ay Isniinta, 26-ka Oktoobar, magaalada Tehran kaga wada hadli doonaan isku-duwidda arrimaha gobolka.

Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay sii wadaan weerarrada ay ku qaadayaan Sacuudi Carabiya.

Saraakiil ka kala socday saddexda dal ee xubnaha ka ah Heshiiska Maka ayaa horraantii Oktoobar, kulan degdeg ah oo ka dhacay magaalada Riyadh, ku heshiiyay in si dhaqso ah Sacuudi Carabiya loo geeyo ciidamo iyo awoodaha milatari ee loo baahan yahay