Shalay waxaan kulan quraac iyo isbarasho isugu nimid xubno ka tirsan Beesha Maxamed Case, kaas oo ku qabsoomay jawi walaaltinimo, isfaham iyo wadahadal furan.
Ujeeddada kulanku waxay ahayd isbarasho, xog-wadaag iyo inaan si dhow uga dhegaysanno walaalaheen Beesha Maxamed Case aragtidooda ku aaddan xaaladda ka taagan gobolka Awdal, caqabadaha jira iyo sida ay u arkaan dariiqa nabadda iyo xasilloonida.
Waxaan kulankaas kala kulannay dad ay ka muuqdaan bisayl siyaasadeed, aragti fog, masuuliyad bulsho iyo rabitaan dhab ah oo ku aaddan nabadda, wadajirka iyo wada noolaanshaha bulshada.
Waxay si qoto dheer su’aal u geliyeen sababta ay xukuumadda Somaliland, muddo toban bilood ah, ugu guulaysan weyday inay xal waara ka gaadho xaaladda taagan, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in tabashooyinka jira lagu wajaho wadahadal, cadaalad iyo isfaham.
Waxa si gaar ah ii soo jiitay sida ay u dareensanaayeen qiimaha walaaltinimada, derisnimada iyo wada noolaanshaha taariikhiga ah ee ay la leeyihiin walaalahooda Beesha Ciise. Waxay muujiyeen in nabadda iyo wadajirka labada beelood ay yihiin hanti bulsho oo mudan in la ilaaliyo, lana xoojiyo.
Waxaan kulankaas ka kororsaday aragti muhiim ah nabadda waarta laguma gaadho hadal keliya, balse waxay ku dhisantaa isdhegeysi, kalsooni, isu-tanaasul iyo in si dhab ah loo fahmo tabashooyinka bulshada.
Ugu dambayn, waxaan uga mahadcelinayaa walaalaheen Beesha Maxamed Case soo dhoweyntooda, daacadnimadooda iyo sida xilkasnimada leh ee ay noola wadaageen aragtidooda.
Muse Xasan Cabdi





