Xog cusub oo ku saabsan khasaaraha Iiraan gaarsiisay saldhigyada Maraykanka ee Bariga Dhexe

Wargeyska The Wall Street Journal ayaa qoray in, sida ku cad qiyaasaha wasaaradda difaaca Maraykanka, weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ay ku qaadday saldhigyada milatari ee Maraykanka ee Bariga Dhexe ay sababeen khasaare gaaraya ugu yaraan shan bilyan oo doollar, isla markaana tiradaasi ay gaari karto 15 bilyan oo doollar.

Sida uu wargeysku sheegay, saldhigyada Maraykanka ee ku yaalla Kuweyt iyo Baxrayn ayaa ka mid ahaa goobihii uu burburka xooggan soo gaaray marxaladihii hore ee dagaalka.

The Wall Street Journal ayaa sidoo kale sheegay in weerarrada Iiraan ay waxyeello gaarsiiyeen 274 goobood oo milatari oo Maraykanku ku leeyahay toddoba dal oo kala duwan. Kharashka dib-u-dhiska goobaha burburay oo keliya ayaa la filayaa inuu ka bato afar bilyan oo doollar.

Wargeysku waxa uu intaas ku daray in Pentagon-ku uu bixiyay xog kooban oo ku saabsan baaxadda khasaaraha ka dhashay weerarrada lagu qaaday saldhigyada Maraykanka, isla markaana sawirrada dayax-gacmeedyada laga yaabo inaanay muujin dhammaan burburka dhacay.

Qiyaastii ugu dambeysay ee kharashka dagaalka Maraykanka uu kula jiro Iiraan ayaa kor u dhaafaysa 47 bilyan oo doollar, hase yeeshee tiradaasi kuma jiraan khasaaraha soo gaaray saldhigyada milatari.

Bbc Somali