Ururka diciifka ah ee afka ka nool ee la yidhaa ururka jaamacada Carabta ee ay ku shaqaysato magaciisa da2lada Masar ayaa dhaleeceryay safaarada radmiga ah ee ay dawladda Israel ka furatay caasimadda Somaliland ee Hargeisa.

Qoraal aad u liitay oo ka baxsan xaqiiqda iyo anshaxa diblamaasiyada ayaa ururkaasi baahiyay iyaga oo Somaliland ugu yeedhay magaca ay dadka reer Muqdisho adeegsadaan oo ah North West oo aanay xataa garanynin kuwa adeegsnyaa waxa ay qorayaan.

Dawlada Israel ayaa safaarado ku leh dhowr dal oo ka mid ah dalalka jaamacada Carabtab oo ay mid tahay Masar, sidoo kale Masar ayaa safaarad ku leh dalka Israa’iil.

Had iyo goor qoraalada ka soo baxa jaamacda Carabtu waxa ay cadaawad iyo cadho ku abuuraan shicibka reer Somaliland oo ah in ka badan Lix milyan oo ah muslimiin suni ah,  inkasta oo ay jiraan dalal Carbeed oo xidhiidh fiican oo walaaltimo ah la leh Somaliland sida dalka Imaaraadka iyo kuwo kaleba hadana qafamada Carbeed iyo shicibka Somaliland waxa xumaanta iyo colaada dhex dhiga dalka Masar oo leh dano gaar ah aanu ka diidnay in aanu u fulino.