Fadhigii 80’aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Qodobbada lagaga wada hadlay Fadhiga 80-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada waxa ka mid ahaa:
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey xaaladda amniga dalka, isaga oo sheegay in ammaanka guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid sugan oo xasiloon, isla markaana aanay jirin wax amni darro ah ama qalalaase nooc kasta oo uu yahayba oo ka jira Gobollada dalka oo dhan, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhex dhaca Bulshada iyo shilalka gaadiidka oo sababa dhimashada ugu badan dalkeena.
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan, ayaa Golaha Wasiirrada uga xog-warramay safar shaqo oo uu ku tagay Dekedda Berbera kaasi oo lagu dar-dargelinayay awoodda shaqo, hab-sami-u-socodka hawlaha iyo heerka adeeg ee Dekedda Berbera, si loo xoojiyo doorkeeda ganacsi iyo ka dhaqaale ee gobolka iyo caalamkaba.
Si loo hubiyo in hawlaha Dekedda Berbera ay u socdaan si habsami leh, isla markaana wax looga qabto wixii caqabado ah ee jira; Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in isaga iyo hawl-wadeeno sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyaddu ay samayeen kormeerro iyo wada-tashiyo ballaadhan oo ay la yeeshaan dhammaan daneeyeyaasha muhiimka ah ee Dekedda Berbera, sida: Hayโadda Dekedaha Somaliland; Shirkadda DP World; Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland; Ururka Xammaaliinta (Geelleyaasha); Qaybaha kala duwan ee Ganacsatada iyo hawl-wadeennada Dekedda.
Kaddib wada-tashi iyo falanqayn qoto dheer oo ay samayeen dhammaan daneeyeyaasha Dekedda Berbera oo la xidhiidha hab-sami-u-socodka hawlaha Dekedda iyo xallinta caqabadaha jira, Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in laga gaadhay go’aamo wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo adeegyada Dekedda laguna xallinayo caqabadaha jira, iyada oo la sameeyey Guddi Farsamo oo isku dhaf ah oo si joogto ah ula socota hab-sami-u-socodka hawlaha Dekedda Berbera.
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ซ๐ฐ๐๐๐ ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฑ-๐ฌ๐จ๐จ-๐ฌ๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ซ๐๐๐ฌ๐๐๐๐ ๐ค๐๐ฐ๐๐๐ง๐ง๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฅ๐๐ก๐:
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay natiijooyinka iyo aragtida ka soo baxay Carwada Ganacsiga iyo Wax-soo-saarka Xoolaha oo 28-29.10.2026 lagu qabtay magaalada Boorama. Wasiirku waxa uu xusay in Carwadani ay ahayd madal Qaran oo kulmisay in ka badan 300 oo qof, si qoto dheerna loogu falanqeeyey mustaqbalka Ganacsiga iyo kaalinta ay Xooluhu ku leeyihiin koboca dhaqaalaha dalka.
Wasiirku waxa uu bayaamiyey in Carwadu ay si cad u muujisay in Xoolaha nooli ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, isla markaana ay jiraan fursado ballaadhan oo u baahan qorshe Qaran, maalgelin, iyo iskaashi midaysan, taasi oo horseedi karta in dal ahaan si buuxda looga faaโiidaysto cududda dhaqaale ee Xoolaheenna.
Dhinaca kale, Wasiirka Xannaanada Xooluhu waxa uu Golaha u sheegay in Wasaaraddu ay waddo daraasad cilmiyeed oo lagu qiimaynayo nadaafadda iyo ku habboonaanta kawaannada xoolaha lagu qalo, si loo xaqiijiyo bed-qabka hilibka, caafimaadka iyo fayo-qabka bulshada, isaga oo sheegay in macluumaadka ka soo baxa daraasadda uu la wadaagi doono Golaha.
๐. ๐๐จ๐จ๐๐๐ ๐๐๐๐ฒ๐จ-๐ช๐จ๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐ฌ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐๐ญ๐ ๐๐๐:
Golaha Wasiirrada JSL waxa uu mar kale si qoto dheer uga sii dooday Qabyo-qoraalka Xeerka Ciidanka Asluubta Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo ah Xeer muhimmad weyn u leh Qaranka JSL, gaar ahaan maamulka Ciidanka Asluubta, qeexitaanka qaab-dhismeedkooda, awoodaha, waajibaadkooda, masuuliyadaha, xuquuqaha, hannaanka dallacaadaha iyo anshax marinta xubnaha Ciidanka Asluubta.





