Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qiray in go’aankiisii ahaa inuu dagaal ka rido gobolka Khaliijka uu qayb weyn ka qaatay guuldarradii xisbiga Talada haya ee Jamhuuriga ka soo gaartey doorashada Dhextaalka ah.

Trump hase yeeshee wuxuu ku adkaystay in uu mar kale qaadan lahaa go’aankaas haddii ay fursad kale soo marto. Halka Ku-xigeenkiisu uu su’aal geliyay in dagaalkaasi uu u qalmay khasaaraha iyo kharashaadka ka dhashay.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa si buuxda ula wareegey gacan-ku-haynta maamulka labada aqal ee Wakiillada iyo Senate-ka Maraykanka, ka dib doorashooyinka Muddada Dhextaalka ee taladadii ka dhacday dalkaas.

Natiijadan oo talada sharcidajinta si weyn ugu janjeerisey dhanka mucaaradka, ayaa dhanka kale waxay dhabar-jab weyn ku tahay Madaxweyne Donald Trump, oo inta ka dhiman muddada xileedkiisa wajahi doona mucaarad ragaadinaya.