Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa go’aamisay in muddo-xileedka dastuuriga ah ee Baarlamaanka Federaalka, Madaxweynaha iyo Xukuumadda Federaalka uu ku ekaa sannadkii 2026.

Maxakamadda ayaa xustay in dhammaan tallaabooyinka ay hay’adahaasi qaadeen wixii ka dambeeyay dhammaadka muddooyinkooda ku tilmaantay kuwo aan sharci iyo dastuur midna waafaqsanayn.

Go’aankan maxkmadda ayaa waxaa soo saaray shan garsoore ka dib dacwad uu soo gudbiyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, taas oo ka dhan ahayd Dowladda Federaalka, gaar ahaan habraacii wax-ka-beddelka loogu sameeyay Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012 iyo saameynta sharci ee ka dhalatay.

Maxkamaddu ayaa go’aamisay in muddo-xileedka dastuuriga ah ee hay’adaha federaalka uu sharciyan ahaa afar sano.

Grsoorayaasha ayaa go’aankooda mudda xileedka gundhig uga dhigay Dastuurkii Kumeelgaarka ahaa ee 2012, isla markaana wax-ka-beddelkii 2026 aanu si cad u sheegin in muddada cusub lagu dabaqayo hay’adihii xilka hayay.

Maxkamadda sare ayaa guddoonkeeda ku sheegtay in muddo-xileedka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka uu dhammaaday 14-kii April2026, halka muddo-xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu dhammaaday 15-kii Maajo 2026.

Tallaabooyinka ay hay’adahaasi qaadeen markii muddo-xileedkoodu dhammaaday waxay Maxkamaddu ku tilmaantay kuwo aan dastuuri iyo sharci ahayn, isla markaana aan waxba ka jirin. Xukuumadda xilgaarsiinta ahna waxay ku koobtay hawlaha maalinlaha ah.

Maxkamaddu waxay dhinacyada siyaasadda ku amartay inay heshiis ka gaaraan hannaanka doorashada, iyadoo waqti cayiman u qabatay in doorasho la qabto.

Dhanka doorashooyiinka Maxkamaddu waxay amartay in dhinacyada ay khusayso ay 30 maalmood gudahood ku gaaraan heshiis ku saabsan hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay, doorashadana lagu qabto 90 maalmood gudahood.

Go’aankan ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho xaaladda siyaasadeed iyo doodda ku saabsan sharciyadda hay’adaha dowladda Soomaaliya.