Q-2aad. Xeryihii Jinka ” Social Media
Cabdiraxmaan Fadli – Perth Audstralia.
Baraha bulshada waxaa jira qaybo badan oo nolosheenna maalinlaha ka mid ah oo ay si
fiican ula falgaleen waxaa ka mid ah horumarka Ganacsiga oo ay ka qayb qaataan suuq u
samaynta badeecadaha iyo waxsoosaarka goboleed, degsiimo iyo xataa asalka hoose ee
furuucda bulsho.
Waxaa tusaale inoogu filan qaababka kala duwan ee Online wax loogu iibiyo, looga iibsado
ama lagula xidhiidho macmiilka loo baahanyahay. Jaanibka Ganacsigu manta wuxuu marayaa in xataa ay intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2016
soo baxayaan Applicationno kuwa loo yaqaanno (Apps) oo ah adeegyo lagu gurey adeeg
kale si ay usoo hurgufaan wixii hore loogu shubay oo ah macluumaad si xirfadaysan loogu
gurey loona sameeyey khuduud iyo habraacyo gaar ah oo lagu dalbado furayaal gaar ah.
Waxaa manta Technologiyada isgaadhsiintu mareysaa inaad suuqa kuu alaab jaban, ama
haya bucshirada aad sumaddeeda hayso aad si fudud u heli karto adigoo raacaya
websites ama Xarumo-Macluumaad cid waliba gaarkeeda u samaysan karto.
Haddaynu waxaas oo horumar ah oo isgaadhsiinta casiriga ah oo wakil kasoo dhigatey
noocyada faraha badan ee baraha bulshadu u eegno mustawaha aynu ka joogno waxaynu
oran karnaa kamaynu hadhin laakiin waxaa jira waxyaabo inoo gaar ah oo baraha
bulshada dhibtooda ka dhigey mid si xunn u saamaysa dadyowga mandaqadda taasina
waa Xeer la, aan iyo in la waayo qaab loo xakameeyo, qaab loogu sameeyo shuruuc laga
baqdo oo hor istaagta hagardaamadooda iyo qaab isla xisaabtan oo hagayaasha iyo kuwa
soo falkinaya baraha bulshadu ay ku joogsadaan oo aan jirin.
Iyadoo baraha bulshadu aynu soo taxnay faaiidooyinkooda qayb ka mid ah haddana
faaiidooyinkaasi ma noqon karaan kuwa dadku soo wada taabto haddii shuruucdaa
xakamaynaysa aan looga dhigin marjac weliba aqoonta is bedbeddelaysa ee jadiidinta
kolba u baahan ” updating ” aan lagu dabbakhin.
La soco
khayrrecanod1988@gmail.com





