








Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qayb galay Aas Qaran oo xabaalaha Baqiic ee Woqooyiga Magaalada Hargaysa loogu sameeyey Marxuum Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe).
Ka qayb galka Aaska Qaran ee loo sameeyey Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) waxa Madaxweyne ku-xigeenka JSL ku wehelinayey Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada, Madaxda Hay’adaha Qaranka, Xildhibaanno, Madaxda Dhaqanka, Culimada dalka iyo bulsho aad u tiro badan.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha oo munaasibadda Aaska Qaran hadal kooban ka jeediyey ayaa u duceeyey Marxuumka, Allena SWT u weydiiyey dambi dhaaf, bulshadana ka codsaday in ay saamaxaan Marxuum Boobe Yuusuf Ducaale.





