Dowladda Israa’iil ayaa la sheegay inay hoggaanka Somaliland u xaqiijisay in aanay wax qorshe ah u lahayn inay ka noqoto aqoonsiga ay Somaliland u fidisay, xataa haddii isbeddel siyaasadeed uu ka dhaco dalkaas, sida ay baahisay warbaahinta Dowlada Israa’iil ee KAN News. Warbixinta oo uu Khamiistii baahiyey telefishanka KAN ayaa sheegtay in masuuliyiinta Somaliland ay walaac ka muujiyeen suurtagalnimada in siyaasadda Israa’iil ee Somaliland ay isbeddesho, haddii isbeddel ku yimaaddo hoggaanka siyaasadeed ee dalkaas, gaar ahaan haddii xukuumadda Benjamin Netanyahu ay meesha ka baxdo. Walaaca Somaliland ayaa imanaya xilli doorashooyinkii Israa’iil ay wiiqeen awooddii siyaasadeed ee Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu, isla markaana Gadi Eisenkot loo igmaday inuu soo dhiso xukuumadda cusub. Sida ay sheegtay KAN News, ilo-wareedyo Israa’iili ah, oo ay ku jiraan masuuliyiin, ayaa hoggaanka Somaliland u sheegay in aqoonsiga Somaliland aanu ahayn arrin muran siyaasadeed ka dhex dhalisa xisbiyada iyo siyaasiyiinta Israa’iil, isla markaana aanu ku xidhnayn qofka haya xilka Ra’iisal Wasaaraha.
Israa’iil ayaa 26-kii December 2025 noqotay dalkii ugu horreeyey ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee si rasmi ah ugu aqoonsada Somaliland dal madax-bannaan oo leh qaranimo. Tallaabadaas ayaa saldhig u noqotay xidhiidh diblomaasiyadeed oo rasmi ah oo labada dhinac dhexmaray.





