Maareeyaha Hay’adda Dekeddaha Somaliland, Cali Diiriye Axmed, ayaa ka qaybgalay Madasha Dhaqaalaha Afrika iyo Israa’iil, ka qabsoontay magaalada Tel Aviv Israa’iil.
‎
‎Shirkan oo dalal badan oo Qaarada Afrika ka socdaa isugu yimaadeen oo ka dhacday Xarunta Yitzhak Rabin Center, waxa Madaxda ka qayb gashay ee Somaliland ka socotay ka mid ahaa Maareeyaha Hay’addaha Dekeddaha Somaliland Cali Diiriye Axmed.
‎
‎Ka qayb galka Shirkan oo ah markii u horeysay ee Somaliland ka qayb gasho ee Madasha Dhaqaalaha ee Afrika iyo Isreal, ayaa Somaliland ka caawinaya dedaallada lagu xoojinayo xidhiidhada caalamiga ah iyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga badda, saadka iyo maalgashiga.
‎
‎Hay’adda Dekeddaha ayaa iftiimisay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Dekedda Berbera, oo ku taalla xeebta Gacanka Cadmeed, una dhow marinka laga galo Badda Cas, isla markaana isku xidha suuqyada ganacsi ee Geeska Afrika.
‎
Sidoo kale, waxay sheegtay in kaabayaasha casriga ah ee Dekedda Berbera, Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah (BEZ) iyo marinka isku xidha Itoobiya ay Berbera siinayaan kaalinta marin ganacsi oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha gobolka.

MMTV