๐—๐—”๐—”๐— ๐—”๐—–๐—”๐——๐——๐—” ๐—›๐—”๐—ฅ๐—š๐—˜๐—ฌ๐—ฆ๐—” ๐—ข๐—ข ๐—ž๐—จ๐—Ÿ๐—”๐—ก ๐—ช๐—”๐—–๐—ฌ๐—œ๐—š๐—˜๐—Ÿ๐—œ๐—ก ๐—œ๐—ฌ๐—ข ๐——๐—”๐—ฅ๐——๐—”๐—”๐—ฅ๐—”๐—ก ๐—”๐—› ๐—จ ๐—ค๐—”๐—•๐—”๐—ง๐—”๐—ฌ ๐Ÿฎ๐Ÿญ๐Ÿฐ ๐—”๐—ฅ๐——๐—”๐—ฌ ๐—ข๐—ข ๐—ž๐—จ ๐—š๐—จ๐—จ๐—Ÿ๐—”๐—ฌ๐—ฆ๐—ง๐—”๐—ฌ ๐——๐—˜๐—˜๐—ค๐——๐—” ๐—ช๐—”๐—ซ๐—•๐—”๐—ฅ๐—”๐—ฆ๐—›๐—”๐——๐—” ๐—˜๐—˜ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ/๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿณ


Jaamacadda Hargeysa ayaa kulan wacyigelin, dhiirrigelin iyo dardaaran ah u qabatay ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐Ÿฎ๐Ÿญ๐Ÿฐ-๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ee ku guulaystay ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—พ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐˜€๐—ฎ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ฑ-๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ/๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿณ, taas oo daboolaysa ๐Ÿฑ๐Ÿฌ% kharashka waxbarashadooda. Kulankan oo lagu qabtay ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ฎ๐—บ๐—ฒ ๐—ฅ๐—ฒ๐˜€๐—ฒ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฐ๐—ต ๐—›๐—ฎ๐—น๐—น ee Jaamacadda Hargeysa ayaa ujeeddadiisu ahayd in ardayda la siiyo hagitaan ku saabsan muhiimadda deeqda ay heleen, masuuliyadda ka saaran ilaalinta fursaddan iyo sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen.

Deeqdan waxbarasho ayaa waxaa ku guulaystay ๐Ÿฎ๐Ÿญ๐Ÿฐ ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜† oo laga soo xulay ๐Ÿฑ๐Ÿฌ๐Ÿณ ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜† oo soo codsatay, kuwaas oo ๐Ÿฐ๐Ÿฌ๐Ÿฏ ka mid ah lala yeeshay waraysiyo iyo qiimayn lagu eegayay duruufahooda dhaqaale iyo bulsho, si loo xaqiijiyo in deeqdu gaadho ardayda ugu baahida badan ee aan awoodin bixinta kharashka waxbarashada jaamacadeed.

Ugu horrayn, waxaa madasha ka hadlay ๐—ฆ๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ธ๐—ต ๐—ข๐—บ๐—ฒ๐—ฟ ๐—•๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ, Agaasimaha Xafiiska Arrimaha Ardayda iyo Xidhiidhka Ardaydii Hore ee Jaamacadda ka Qalinjabisay, ahna Guddoomiyihii Guddida Xulista Deeqda Waxbarashada. Agaasimaha ayaa faahfaahin ka bixiyay hannaankii loo maray xulista ardayda, isaga oo sheegay in guddidu si gaar ah u tixgelisay duruufaha dhaqaale ee qoysaska, heerka baahida ardayda iyo awooddooda ku aaddan bixinta kharashka waxbarashada. Waxa uu xusay in deeqdan loogu talagalay in lagu taageero ardayda ay duruufaha dhaqaale ka hor istaagi kareen sii wadashada waxbarashadooda.

Sidoo kale, ๐— ๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ฒ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—บ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ถ, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee Jaamacadda Hargeysa, ayaa ardayda ku boorriyay inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan fursadda ay heleen, isla markaana ay dadaal iyo aqoon korodhsi ku taageeraan qoysaskooda. Waxa uu kula dardaarmay inay mustaqbalka noqdaan kuwo waalidkood ka saara duruufaha adag ee dhaqaale, isla markaana bulshada wax ku soo celiya.

Dhankiisa, ๐— ๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ฒ ๐—”๐˜„๐—ถ๐—น ๐—”๐—ต๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ, Agaasimaha Xafiiska Xidhiidhka iyo Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda, ayaa bogaadiyay dadaalkii ay guddida xulistu ku bixisay qiimaynta codsiyada iyo xaqiijinta hufnaanta hannaanka xulista. Waxa uu ardayda kula dardaarmay inay ilaashadaan fursaddan qaaliga ah, kana fogaadaan wax kasta oo sababi kara inay dayacaan waxbarashadooda.

Waxaa isaguna madasha ka hadlay ๐——๐—ฟ. ๐—”๐—ต๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐— . ๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐˜„๐—ฎ, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada ee Jaamacadda Hargeysa, oo sheegay in jaamacaddu ay mudnaan gaar ah siinayso in ay bulshada dib ugu celiso wixii ay awowodo, gaar ahaan taageeridda ardayda aan awoodin kharashka waxbarashada. Waxa uu tilmaamay in deeqdani qayb ka tahay dadaallada Jaamacadda Hargeysa ee lagu ballaadhinayo fursadaha waxbarashada sare, laguna garab istaagayo ardayda ka soo jeeda qoysaska danyarta ah.

Sidoo kale, ๐— ๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ฒ ๐—ž๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐˜€, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Wasaaradda Waxbarashada, ayaa ardayda ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay inay ilaashadaan heer waxbarasho oo wanaagsan, muujiyaan dadaal joogto ah, isla markaana ku dhaqmaan anshax iyo akhlaaq wanaagsan. Waxa uu maamulka Jaamacadda Hargeysa uga mahadceliyay kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan taageeridda bulshada iyo abuurista fursado waxbarasho oo ay ka faa’iidaystaan ardayda danyarta ahi.

Ugu dambayn, kulanka waxaa soo xidhay ๐——๐—ฟ. ๐—™๐˜‚๐—ฎ๐—ฑ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ ๐—ข๐—ฏ๐˜€๐—ถ๐˜†๐—ฒ, Guddoomiye-ku-xigeenka Waxbarashada iyo Arrimaha Ardayda ee Jaamacadda Hargeysa, oo ardayda kula dardaarmay inay dedaal dheeraad ah muujiyaan, si ay uga midho-dhaliyaan fursadda waxbarasho ee ay heleen. Waxa uu ku dhiirrigeliyay inay mustaqbalka noqdaan aqoonyahanno wax ku ool u ah qoysaskooda iyo bulshadooda, isla markaana ay ka qayb qaataan yaraynta culaysyada dhaqaale ee haysta waalidkood. Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay waalidiinta iyo ardayda ka soo qaybgalay kulanka.

Deeqdan waxbarasho ee ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ/๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿณ ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee ๐—๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ ay ku taageerto ardayda danyarta ah, kor ugu qaaddo helitaanka waxbarashada sare, isla markaana ay ku xoojiso ๐—บ๐—ฎ๐˜€๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฏ๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ผ ee jaamacadda.
SALLO MEDIA
#hargeisa_somaliland