Iraan oo weerartay Kuwait iyo Baxreyn
Masβuuliyiin milatari oo Kuwait ka tirsan ayaa daqiiqado ka hor ku dhawaaqay in la hawlgeliyay nidaamyada difaaca cirka, iyagoo sheegay in βdifaaca cirka ee Kuwait uu hadda ka hortagayo weerarro ay fulinayaan diyaarado aan duuliye lahayn oo cadowtinimo ahβ.
Taliska guud ee ciidamada Kuwait ayaa sheegay in dhawaaqyada qaraxyada laga maqlay dalka ay ka dhasheen gantaallo ama weerarro kale oo ay qabteen nidaamyada difaaca cirka ee dalka.
Dhanka kale, warbaahinta Iran oo soo xiganaysa ilo Carbeed ayaa sheegtay in dhowr qarax laga maqlay gudaha Kuwait.
Maalmihii la soo dhaafay, Iran ayaa sheegtay inay weerarro ku qaaday saldhigyada raadaarka ee Mareykanka ee ku yaalla Baxreyn, iyadoo arrintaas uga jawaabaysa duqeymo cirka ah oo Mareykanku ka fuliyay goobo ku yaalla xeebaha Gacanka Faaris, oo ay ka mid yihiin jasiiradaha Qeshm iyo Sirik.
Iran ayaa sidoo kale ka digtay in haddii dalkeeda la weeraro ay bartilmaameedsan karto saldhigyada Mareykanka ee gobolka iyo xitaa kuwa ka baxsan gobolka.





