Hadalka cusub ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu si cad u muujinayaa in Somaliland ay qarka u saaran tahay guulo diblomaasiyadeed, aqoonsiyo iyo iskaashi caalami ah oo cusub.
Weerarka uu ku qaaday Imaaraadka Carabta iyo xidhiidhka ay la leedahay Somaliland ma aha hadal iska yimid. Waa olole cadaadis ah oo lagu doonayo in lagu hor istaago tallaabooyin uu Xasan Sheekh ogyahay inay soo socdaan, balse aanu awoodin inuu joojiyo.
Dawladda Soomaaliya waxay u muuqataa inay heshay xog ku saabsan dhaqdhaqaaqyo waaweyn oo caalami ah oo ku wajahan Somaliland. Hadalka madaxweynuhu waa digniin muujinaysa walaaca Muqdisho ka qabto waxa soo fool leh.
**Indhaha ku haya maalmaha iyo toddobaadyada soo socda. War weyn ayaa jidka ku soo jira, Somaliland-na waxay u sii dhowaanaysaa aqoonsiyo iyo maqaam caalami ah oo ka ballaadhan kii hore.
Ahmed





