Cawo Abdikarin Ducaale oo ah hooyo Soomaaliyeed oo 33 jir ah, ayaa la sheegay inay subaxnimadii hore ee maanta magaalada Savage ee gobolka Minnesota ku toogatay labadeeda carruur ah oo da’doodu kala ahayd 3 iyo 5 sano.
Waxa la ogaaday in aabbaha carruurta dhalay uu ka mid ahaa dadkii dhawaan laga masaafuriyey dalka Mareykanka.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in hooyadan ay dhawaan ka soo guurtay magaalada Mankato, una soo wareegtay magaalada Savage ee gobolka Minnesota.
Ilaa hada Police ku ma cadayn sababta ka danbaysay dilkan axmaqnimada ah waxa socda baadhitaano.





