Isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay in uu soo riday saddex gantaal oo riddadoodu dheer tahay, kuwaas oo fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay ku rideen magaalada caasimadda ah ee Riyad.

War qoraal ah oo lagu baahiyay barta X ayuu isbahaysigu ku sheegay in nidaamyada difaaca cirka ee Sacuudigu ay ogaadeen, qabteen, isla markaana soo rideen dhammaan saddexda gantaal, sidaasna looga hortagay isku day lagu doonayay in lagu weeraro caasimadda.

Dhanka kale, fallaagada Xuutiyiinta ayaa war-saxaafadeed ay iyaguna ku baahiyeen X ku sheegtay in ay bartilmaameedsadeen goobo kala duwan oo ku yaalla Sacuudiga, oo ay ku jiraan xaafado ay dadku deggan yihiin oo ku yaalla caasimadda Riyad.

Shalay, isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa weerarro ka fuliyay dekedda Xudeydah iyo goobo kale oo ku teedsan xeebta Badda Cas ee Yemen. Isbahaysigu weerarradaas ayuu ku tilmaamay “hawlgal gaar ah”.

Xuutiyiinta ayaa ku hanjabay inay ka aargudan doonaan weerarradaas.

Dagaallada sokeeye ee Yemen ayaa toddobaadyadii u dambeeyay mar kale sii xoogaystay, iyadoo ay kordheen weerarrada Xuutiyiinta ay ku qaadayaan Sacuudiga.