Bayaankan wadajirka ah ayaa laga soo saaray munaasabadda booqashada rasmiga ah ee Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, uu Jarmalka ku tegay.

Labada dal waxay sidoo kale cambaareeyeen weerarrada iyo hanjabaadaha Iran ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga, waxayna muujiyeen inay ka soo horjeedaan tallaabo kasta oo horseedi karta xiritaanka marin-biyoodka Hormuz ama caqabad ku noqota xorriyadda isu-socodka maraakiibta.

Qatar iyo Jarmalka ayaa adkeeyey in Iran aysan horumarin karin ama heli karin hub nukliyeer ah. Labada dal waxay sidoo kale ku baaqeen in meesha laga saaro khataraha ka dhasha adeegsiga gantaallada riddada dheer ee gobolka.

Waxay sidoo kale Iran ugu baaqeen inay joojiso hubka iyo taageerada kale ee ay siiso Xuutiyiinta Yemen.

Mowqifkan ayaa imanaya xilli Qatar ay door muhiim ah ka ciyaarayso dhexdhexaadinta dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, iyadoo sidoo kale ay socdaan wada-hadallo la xiriira barnaamijka nukliyeerka Iran iyo dib u furista marin-biyoodka Hormuz.