Taliyaha ciidamada cirka UK-ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka nooca ugu casrisan ay noqonayaan kuwii ugu dambeeyay ee bani’aadam duuliyo.

Janaraal Harvey Smith ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ku qalabeysan garaadka macmalka ay “wax weyn ka beddeli doonaan” qeybaha duulista milatariga.

Hadalladiisu waxay la xidhiiraan barnaamijka Dagaalka Cirka ee Caalamiga oo ah mashruuc wadajir ah oo u dhexeeya Britain, Talyaaniga iyo Japan, kaas oo loogu talagalay in lagu soo saaro diyaarad dagaal oo ah nooca jiilka lixaad, kuwaas oo la filayo in ay hawlgalaan marka la gaaro sannadka 2035-ka.

Diyaaraddan dagaalka ee loo yaqaan ‘Tempest’, ayaa la filayaa in ay yeelato xawaare sare, tiknoolajiyad qarsoodi ah, dareemayaal horumarsan, iyo garaadka macmalka. Dhammaan qalabkaasi ayaa ka caawin doona duuliyeyaasha in ay wax ka qabtaan xaaladaha ay ku jiraan.

Harvey Smith ayaa maqaal uu ku qoray wargeyska Telegraph ku sheegay in diyaaraddaas dagaalka ay “noqon karto tii ugu dambeysay ee ay dad wadaan oo abid la sameeyo.” Wuxuu xusay in horumarkani uusan ka dhignayn in doorka bini’aadamku uu noqonayo mid aan muhiim ahayn, balse horumarka tiknoolajiyadda ayaa beddelaya qaabka ay u dhacaan dagaallada cirka.