Gadi Eisenkot, oo ka qaybgalaya wada-hadallada lagu soo dhisayo dowlad cusub oo Israa’iil yeelato, ayaa sheegay inuusan xilligan arkin sabab loo qaado tallaabo milatari oo ka dhan ah Iiraan.

Eisenkot, oo u tartamay xilka ra’iisul wasaaraha, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay baarlamaanka Israa’iil ee magaalada Qudus ku sheegay in khatarta Iiraan ay tahay tan ugu weyn ee wajahaysa dowladda Israa’iil.

Hase yeeshee, wuxuu sheegay inuusan hadda arag khatar toos ah oo degdeg ah oo u baahan in tallaabo milatari la qaado ka hor inta aan la dhisin dowladda cusub.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha xilka haya ee Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ka digay in dalku wajahayo “khataro culus oo halis ah” oo aan la iska indho tiri karin.

“Dadka iska indha tira ama dhayalsada khatarahan hadda jira ee culus, waxay sidaas u sameynayaan sababo siyaasadeed,” ayuu Netanyahu ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xaruunta baarlamaanka.

Gadi Eisenkot ayaa haysta illaa 6-da Diseembar si uu u soo dhiso dowlad cusub, muddadaas oo 14 maalmood oo dheeraad ah lagu kordhin karo.

Doorashadii Israa’iil ka dhacday bishii Oktoobar, ma jirin xisbi siyaasadeed oo helay kuraas ku filan si uu keligiis dowlad u soo dhiso.