

๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ข๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฅ๐๐๐๐ญ๐๐ฒ, ๐ค๐๐๐๐ข๐ ๐ฌ๐๐๐๐ซ ๐ฎ๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐๐ ๐๐ฒ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ฌ๐ฎ๐ญ๐๐ ๐ ๐ ๐๐ฆ๐๐๐ซ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ญ๐
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safar uu ku tagay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), kaasi oo ku soo dhammaaday guul.
Safarka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah dadaallada istiraatiijiga ah ee ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku horumarinayso xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Somaliland iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, kaasi oo ku qotoma dano wadaag, is-aaminaad, ixtiraam iyo aragti fog oo ku aaddan horumarinta danaha labada dal iyo labada shacab.
Xidhiidhka u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ah mid sii adkaaynaya sannadba sannadka ka dambeeya, isaga oo yeelanaya miisaan istiraatiiji ah oo taabanaya dhinacyada maalgashiga, ganacsiga, amniga, kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarka bulshada iyo danaha wadajirka ah ee labada dhinac.





