
AABBAA QAATAY DHIBAATOOYINKA UU QAADKU KU HAYO BULSHADA GAARA AHAAN REER MIYIGA.
Aafada qaadku waqtiyadii hore miyiga way ku yarayd cunistiisuna ceeb ayay ku ahayd miyiga, waqtigan waxa looga cunaa qaadka miyiga sida magaalada looga cuno qoysadkii miyiga yaalay wuxuu ku hayaa saamayn weyn, odaygii iyo innamadiiba xayntii xoolaha ahayd waxay doonayaan inay ka qayilaan.
Fiidkii marka xoolaha la soo xareeyo ayuunbaa qaar la waayayaa dabadeed ilmihii xoolaha raacay marka la weydiiyo neefka maqan isagoo baqaya ayuu odhanayaa dee malaa aabbaa qaatay waa kii go’ sii huwanaaye.
Odaygii reerka lahaa ayaa neef yar adhigii ka xaday oo intuu laabta ku qaato go’ la huwanaya intuu reerka ka libdhayo si uu tuulada uga iibiyo oo uu ugu qaylo.
Waa dayac iyo dulmi weyn oo haysta dhammaan dadka qaadka cuna qoysadkooda, sidaas awgeed bulshada iyo culimadu haka hawl galaan dhibaatooyin aafada qaadku ay ku hayso nolosha dadka.
MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.
Baawabdi@hotmail.com.






