Aabbihii Maafiyada Talyaaniga oo la qabtay kadib 30 sano oo raadis ah

Booliska la-dagaalanka Maafiyada ee talyaaniga ayaa maanta gacanta ku dhigay aabaha ugu weyn Maafiyada Talyaaniga Matteo Messina Denaro, taasi oo soo geba-gebeysay 30 sano oo ugaarsi ah.

Messina Denaro, oo 60 jir ah, ayaa hormuud u ahaa Cosa Nostra, urur dambiyeedka dhabta ah ee Sicily, ee lagu soo bandhigo aflaamta Godfather.

Messina Denaro ayaa laga soo qabtay “gudaha xarun caafimaad oo ku taalla magaalada Palermo, halkaas oo uu u aaday daweyn,” waxaa sidaas yiri taliyaha howlgallada gaarka ah Pasquale Angelosanto, sida ku qoran bayaan uu soo saaray booliska.

Waxa uu isbitaalka ku jiray muddo sanad ah, isaga oo laga daweynayey kansarka ku dhaca mindhicirada, islamarkaana wata magac been abuur ah.

Messina Denaro iskama caabin booliska markii ay isku dayeen inay soo xiraan, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka Talyaaniga ee ANSA.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay in Messina Denaro uu ahaa madaxa “ugu muhiimsan” Maafiyada, islamarkaana xarigiisa oo ka dhacay gobolka uu kasoo jeedo ee Sicily uu “guul weyn” u yahay dagaalka uu qaranka kula jiro dambiyada abaabulan.

Sawir ay sii daayaan booliska ayaa muujiyey Messina Denaro oo qeybta dambe ka fadhiya gaari, islamarkaana xiran koofi, ookiyaale iyo jaakad qaxwe ah.

Sawirkaas kahor, sawirka kaliya ee laga hayey wuxuu ahaa mid la qaaday sagaashamaadkii. Waxa uu baxsad ahaa tan iyo 1993-kii.

Messina Denaro waxa uu kaalinta koowaad kaga jiray liiska dadka loogu raadiska badan yahay Talyaaniga ee Maafiyada lala xiriiriyo.

Messina Denaro ayaa lagu tuhmayaa inuu ka dambeeyay qaraxyadii 1993-kii ka dhacay Rome, Milano iyo Florence oo ay ku dhinteen 10 qof, bilo uun ka dib markii Cosa Nostra ay weeraro isku mid ah ku dileen garsoorayaashii ka hortagga maafiyada Giovanni Falcone iyo Paolo Borsellino.