Afhayeenka Jabhada Gacan-libaax oo Sheegay in aanay Jirin Guddiyo ay igmadeen

Hargeysa(Qaran)- Afhayeenka jabhada Gacan-libaax, Axmed Cali Haybe ayaa sheegay in aanay jirin guddiyo la kulmay oo ay u igmadeen inay nabad uga keenaan Muuse Biixi.

Waxa uu sheegay in Muuse ay ka dhexayso xabad, isla markaana ay la dagaalamayaan ciddii soo raacdo.

Afhayeen Axmed wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha inuu dalkii kaka qaybiyay oo uu gobolana ka eryay Somaliland, qaar kalena uu ku kalifayo dagaal.

Wuxuu sheegay in aanay beelna duulaan ku ahayn hase yeeshee ay la durirsan yihiin rijiimka Muuse oo uu ku eedeeyay inuu dalka tafaraaruq iyo colaad u horseeday.

Afhayeenku wuxuu beelaha ugu baaqay inay ka digtoonaadaan ciidan beeleedyada uu ka dalbaday.

Ugu dambeyn wuxuu madaxweynaha ku eedeeyay inuu dawladnimada Somaliland ka dhigtay rijiim uu kula dagaalamo gobollo iyo beelaha Somaliland qarkood.