Hargeysa, (Qaran news)-Afhayeenka jabhadda hubaysanย ee ka soo hor jeeda xukuumadda Muuse Biixi kuwaasi oo galay Buuraha gacan libaax Axmed Cali Haybe ayaa sheegay in Muuse Biixi yaqaano afka qoriga isla markaana ay luuqada qoriga kula hadli doonaan.
Axmed Cali Haybe wuxuu ku eedeeyay Muuse Biixi inuu albaabada u xidhay nidaamkii dimuqraadiyadda Somaliland.
Waxa kaloo uu ku eedeeyay inuu cid walba ka diiday talooyinkii loo jeediyay, imikana sida kaliya ee la iskaga dhicin kartaa tahay cuddud millatari.
Afhayeen Axmed Cali Haybe wuxuu sheegay inay jabhada ay sameeyeen ku soo dhaweynayaan cid kasta oo kala aragti ah inay ka xoreeyaan dalka kaligii taliye Muuse Biixi oo uu ku sifeeyay kaligii taliye
Jabhadani raga ugu sareeya ee hagayaa waxa ay ka soo jeedaan magaalada Hargeysa siiba bariga iyo koonfurta, deegaano ka aradan mashaariicda iyo wax qabadka xukuumadda iyo hay’adaha caalamiga ah, marka aad bar bar dhigtid gobolka Maroodijeex intiisa kale.
Waxana soo badanaaya dhalinyarada ku biirayaysa jabhadaasi ee ka kala tagaysa goobo badan oo dalka ka mid ah waxana goobtaasi xataa ka socda tabaro la siinaayo dhalinyarada ku biiraysa jabhadaasi.
Isku soo wada duuboo waxa uu kacdoonkani salka ku hayaa doorashadii madxweynaha ee la qaban waayay ee laga soo horu mariyay doorashada ururadaย taasi dalka u hor seeday qayb sanaan iyo in ay maanta jabhad hubaysani ka dhex dilaacdo badhtamaha Somaliland