Agaasimaha Daakhaliga oo Furay Shirka Aasaaska Komishanka Maaliyadda Dawladaha Hoose

Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Mudane Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo ay wehelinayaan, gudoomiyayaasha Degmooyinka Berbera, Boorama, Sheekh iyo Guddoomiye ku-xigeenka degmada Hargaysa ayaa furay shirka wada tashiga aas-aaska Komishanka Maaliyadda Dawladaha Hoose ee JSL.

Shirkan oo daba socday Cilmi baadhis iyo diyaarinta shuruuc lagu hago Komishanka Maaliyadda Dawladaha Hoose ee JSL oo ay waday shirkada Caalamiga ah ee PMDCS International Consultancy Firm.