Agaasimaha Biyaha oo la Kulantay wefti ka Socday Denmark


Hargeysa(Qaran news)-Agaasimada Guud ee Wasaaradda Horumarinta kheyraadka Biyaha Marwo Nafisa Maxamuud Shirwac oo ay Weheliyaan qaar ka mida Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ayaa Xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ku qaabilay koox Farsamo oo kasocota Wasaaradda Arimaha Dibada Wadanka Denmark (Danida) oo uu Hogaaminayo madaxa xafiiska Denmark ee Somaliland Mathias,

Weftigan ayaa ujeedkooda ahaa Diyaarinta Qorshaha Shanta sanno ee Soo Socda, kaasi oo ay kula shaqeeyaan Wadamada ay Xidhiidhka leeyihiin,

iyagoo Dhankooda Tibaaxay inay Dawlada Somaliland kala Shaqayanayaan Mashaariicda Dhanka biyaha,
gaar ahaan kuwa adkaysiga u leh isbadalka cimilada (Climate-Resilience Water Infrastructure) ,

Dhanka kale Agaasimada Guud iyo Qaar ka mida Madaxda Waaxyaha ee Wasaaradda ayaa Dhankooda ka War-bixiyey Mashaariicda Baaxadda leh ee ay Wasaaradda Biyuhu hayso,

Iyagoo Xusey Sida ay diyaar ugu yihiin dhankooda oo ay la wadaagi doonaan Mudnaanaha Wasaaradda iyo dhamaanba xogaha ay u Baahanyihiin.

Ugu dambeyn agaasimada guud ayaa uga mahad-naqdey Weftigaasi wada shaqaynta fiican ee la leeyihiin Dawladda Denmark , iyadoo Dhankeeda Xusay sida ay qayb ugu yihiin Sanduuqa Horumarinta (SDF) iyo Mashruuca Barwaaqo (Somaliland Water For Rural Resilience)