Agaasimaha Caafimaadka oo agab lagaga hawlgelayo Shuban Biyoodka la Wareegay

Hargaysa(Qaran news)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa maanta agab loogu talo-gelay wacyi-galinta iyo ka hortagga xanuunka shuban biyoodka kala wareegay Hay’adda Caalamiga ah ee UNICEF.

Munaasibada agabkan lagula kala wareegayay ayaa waxaa agaasimaha guud ku Wehelinayay, masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Cafaamadka iyo sidoo kale Saraakiil ka socotay Hay’adda UNICEF, Agabkan oo ka koobnaa qalabka gudbinta codka (microphones) Computers iyo astaamo cadaynaya Shaqaalaha hawlgalkan galaya ayaa wax weyn ka tari doona dadaalada ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ugu jirto la tacaalista iyo xakamaynta xanuunka shuban biyoodka oo lagu arkay qaar ka mid ah gobolada dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye oo agabkan si rasmi ah ula wareegay ayaa uga mahadceliyay hay’adda UNICEF iyo Taageerada ay marwalba la garabtaagantahay Wasaaradda, Agaasimaha guud ayaa sidoo kale fariin Caafimaad u diray guud ahaan Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland isagoo kula dardaarmay in ay qaataan fariimaha Wacyigalinta ah ee ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku Bulshada la wadaagayso si loo xakameeyo hoosna loogu dhigo khatarta xanuunka shuban biyoodka.