Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cismaan Siciid ayaa Tobabar u furey qaar Ka mida shaqaalaha Wasaaraddaasi oo Ka kala socdey Waaxyaha Kala duwan ee Shaqaalaha Wasaaraddaas,

Ujeeddada Tobabarka oo ah Kor u qaadista Aqoonta iyo Xirfada Shaqada ay hayaan Shaqaalaha Wasaaraddu isla markaana kor loogu qaadayo inay sii hufan u gudan Karaan Shaqada ay u hayaan Waaxyahooda.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Waaxda Cududa Shaqaalaha ee Wasaaraddaas oo Kaashanaysa Madaxa Horumarinta Mashaaricda ee Wasaaraddaas.

Tobabarkan ayaa socon doona dhawr Cisho Kaasi oo la isku waydaarsan doono Aqoon Korodhsi.