Agaasimaha Isbeddelka Cimilada oo la Kulmay Arday Barata Deegaanka
Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbdelka Cimilada Mudane Maxamed Cabdilaahi Ducaale ayaa Xafiiskiisa saaka ku Qaabilay arday ka socotay Pharo Schools Gaar ahaan Ururka ECO Club oo ka shaqeeya Arimaha Deegaanka, Wacygelina ka sameeya Goobaha Waxbarshada, Iyagoo Wacygelinta Ilaalinta Deegaanka ka sameeyey Isla Schoolka Pharo Qaybihiisa kala Duwan.
Ugu horeyn Agaasimaha Guud ayaa ardayda Warbixin ka siiyey Taariikhada Wasaaradda ,Qaybaha ay ka kooban tahay Wasaaraada Deegaanku Waxyalaha ay Qabatay dhibaatooyinka haysta Deegaanka JSL.
Ardayda ayaa Dhankooda Agaasimaha Waydiiyey Suaalo khuseeya waxyaalaha Wasaaraddu ka Qabatay Xaalufka, Dhibaatada Qashinka, Dhuxulaysiga Iyo Isbedelka Cimilada
Agaasimaha Guud ayaas Suaalahaasi Uga jawaabay dhamaantood si waafi ah, wuxuu sidoo kale Agaasimuhu ardayda ku dhiirigeliyey inay inay sii wadaan arrimaha Khuseeya Ilaalinta Deegaanka ee ay Iminkaba ka Shaqeeyaan, Wasaaradda Deegaankuna kula garab taagan tahay wixii ay uga baahdaan ee khuseeya Ilaalinta Deegaanka.
Ugu Danbeyna Agaasimaha Guud ayaa ardayda u balanqaaday in wefti uu hogaaminayaa soo booqan doonaan Dugsiga Pharo, si ay u dhiirigekinyaa ardeydan isu xilqaantay ilaalinta degaanka wadankooda.