Agaasimaha Shaqada oo la Kulmay Masuuliyiinta Hay’adda SOS

Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqo-gelinta arrimaha bulshada Iyo Qoyska JSL, Mudane Axmed Xasan Aw Aadan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu saraysa hay,adda SOS.

Kulankani mudadii uu socday waxa diirada lagu saaray dardar gelinta hawlaha shaqo ee ay sida dhaw uga wada shaqeeyaan SOS iyo wasaaradu.

Sidoo kale kulanka agaasimaha iyo masuuliyiinta hay’adda SOS, waxaa lagaga wada hadlay sidii siwada jira wax looga qabanlahaa daryeelka bulshada, shaqo abuurka iyo shuruucda la xidhiidha weel-xogeedka diiwaanka carruurta xarumaha dalka ku jirta.

Gaba-gabadii kulanka agaasimaha guud iyo masuuliyiinta hay’adda SOS, ayaa ku soo dhammaaday Isfahan buuxa iyo wada shaqayn joogta ah.