
AHMAD ISMAACIIL DIIRIYE QAASIM GABAYGII MAANDEEQ HALLOO SAXO TAAR TV.
Abwaan qaasim ihn wuxuu ahaa aqoonyahan reer Somaliland ah oo ka soo jeeda degaanka hargaysa,qaasim talo wanaagsan oo uu ka jeediyay shir ay h. Yoonis ku lahayd magaalada laanmullaaxo waqti fog ayuu maqlay xanteedii ammaan lama filaan ah in lagu amaanayay dabadeed wuxuu ka tiriyay gabay ka hadlaya naftiisa dacartuba marbay malab dhashaa ood muudsataa dhabaqe waa abwaanka keliya ee naftiisa ka gabyay.
Suugaantu waxay ka mid tahay nolosheenna aan saxo weriyaha taartv gabayga weriyuhu uu ku sheegay GOBAAD magacaasi ma jiro waa MAANDEEQ gabaygani wuxuu ku jiray manhajka suugaanta ee lagu dhigan jiray dugsiyada hoose fasalka afraad waa gabay taariikhiya oo uu ka tiriyay gobanimadii anbatay dawladdii lagu dhisay siday u dhaqmayso wuxuu joogay xamar waxa ku jirtay innamada dhawaan noo kacoow waydin eersadaye, sababta aan qoraalka u qoray ninkaas TAAR TV wuxuu yidhi gabadh uu jeclaaday ayuu gabayga u tiriyay magaciisuna waa GOBAAD waan saxayaa weriyaha.
Gabaygu waa maandeeq hashii maandeeq ayuu ku hal qabsaday waakii lahaa irmaanaatay maandeeqe waad ibakuryayseene waxa la yidhi gujaa lagu lisaa labada gooroode waxa la yidhi gal daayeer cabbay habari geysaaye inan uu jeclaaday maaha gobanimadii lala anbaday ayuu ka tiriyay gobaadna maaha magacu waa MAANDEEQ.
MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.






