Ajandihii Kalfadhiga 6-aad ee Golaha Wakiillada oo laga reebay laba Xeer oo Mihiim ah

Hargeysa(Qaran news)-Xildhibaan Guuleed Maxamed Warsame oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada ayaa sheegay in maanta la ansixiyay Ajandihii kal-fadhiga 6-aad ee golaha.

Xildhibaan Guuleed Maxamed Warsame oo ka mida mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland ayaa sheegay in Xeerkii Doorashooyinka iyo xeerii ciqaabta guud laga reebay ajandaha Kalfadhiga lixaad ee golaha wakiillada.

Kaas oo ah ajandaha ay ku shaqayn doonaan mudada Kalfadhigani socdo haddii Ilaahay yidhaahdo.

40 mudane ayaa ogolaaday, 5 mudane weydiixeen, 7 mudanena way ka aamuseen, guddoomiyuhu mucodayn sidaas ayay ku ansaxday.

Waxaanu yidhi.โ€œWaa run Kalfadhi kasta oo cusuba Ajande ayaa la ansixiyaa, kaas oo ah ka uu ku shaqaynayo goluhu mudada uu gacanta ku hayo hawlihiisa dastuuriga ah.

Shalay ayaa ajandaha la keenay, maantana waala ansixiyay, laba soojeedimood ayaa laga reebay oo aad mihiim u ahaa, waxa ka mid ahaa Xeerka doorashooyinka ee wax ka beddelka iyo kaabista u baahna in aan ajandaha lagu soo darin iyo xeerkii ciqaabta guud, kaas oo saddex bilood ka hor guddi gaara loo saarayโ€

Arrintan ay golaha wakiiladu kaga reebeen ajandahood Kalfadhiga 6-aad xeerka Dooraahooyinka ayaa ku soo beegmaysa xili uu maanta madaxwaynaha Digreeto ku caymiya xiliga ay qabsoomayaan doorashooyinka ururada iyo madaxtooyadda.