Warrarka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya, in saaka uu halkaas ka dhacay dagaal aad u culus kaddib markii dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay weerareen saldhigyada ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanku ka fadhiyaan hareerraha magaalada.

Salaadda subax ka dib ayaa la sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab oo aad u hubeysan ay weerareen degmada Celldheer ee gobolka Galgaduud, weerarkaas oo dhowr jiho ka bilowday.

Guddomiyaha degmada Ceeldheer, Cabdiraxmaan Axmed Cumar ayaa BBC-da u xaqiijiyay inuu jiro duulaankaas, isla markaana ay dagaal adag ku jiraan.

Waxaa uu sheegay in dagaalku ka socday dhinaca waqooyi ee magaalada isla markaana ay iska caabiyeen weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab.

Waxaa kale uu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay jilibka u dhigeen gulufka milatari ee ay Shabaab saaka ku qadeen magaaladaas.

Dadka deegaanka waxay soo sheegeen inay maqleen qarax weyn markii dambena ay dhaceen rasaas.

Al-Shabaab waxay bogagooda internet-ka ku faafiyeen inay saaka duulaan ku qaadeen degmada isla mrkaana ay ciidamadooda halkaas ka dagaalamayaan.

Ma jiro ilaa hadda warar madax banaan oo si faahfaahsan uga hadlaya dagaalka ka socda Ceeldheer ee Galgaduud.

Ceeldheer waxay kamid ahayd magaalooyinkii dib looga saaray Al-shabaab, ka dib gulufkii ballaarnaa ee saddex sano ka hor lagu qaaday Al-Shabaab deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Ciidamada dowladda iyo kuwa qabaa’ilka ayaa Ceeldheer qabsaday bishii Diisembar sanadkii 2023-ki markaas oo magaalooyin badan al-shabaab laga saaray.

Faahfaahin dheeraada lagama hayo khasaaraha uu dhaliyay dagaalkaasi, maadaama uu weli dagaalku socdo.