“Anigu ma Ihi Nin Cabsooda Xilkana waan u Badheedhay” Cali Xaamud
Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cali Xaamud Jibriil ayaa sheegay in xilka guddoomiye ku-xigeenka labaad uu iska casili doono marka sida uu xeer hoosaadkoodu dhigayo uu furmo kalfadhiga golaha Wakiilladu maalinta Berri ee Axadda.
Cali Xaamud oo maanta xaraystay codsigii uu iskugu sharraxayay Guddoomiyaha cusub, ayaa sheegay in uu golaha iska hor casili doono xilkii uu hore u hayay si ay mudaneyaashu uga aqbalaan arrintaas.
“Is casilaada golaha ayaa aqbala golaha ayaan horgeynayaa haddii Alle yidhaahdo marka uu kalfadhigu furmo. Dalkana waan u soo shaqeeyay nin cabsoodana ma ihi murrashaxnimadanna waan u badheedhay,”ayuu yidhi Guddoomiye Cali Xaamud oo maanta ay qaar ka mid ah warbaahintu su’aalo kala duwan weydiiyeen.
Waxa kaloo uu intaas ku daray in markii u horreysay ay reer Awdal isku soo taageen kursiga Guddoomiyana Golaha Wakiillada. Waxaanu xusay inuu codkooda ka codsanayo 82 ka Xildhibaan ee Golaha Wakiillada.